Akhri Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Lagu Magacaabay Maareeyaha Hay’adda Madaaradda Dalka
Madaxweynaha dhowaan xilka la wareegay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray Digreeto uu Hay’adda Duulsta oo hore u ahayd Wasaarad ugu bedelay Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Dalka, wuxuuna Madaxweynuhu Hay’addaa u magcabay masuul cusub. Wareegto Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray shalay, ayaa u qornayd sidan:-
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: Wada-tashi;
Waxaan Go’aansaday; In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta [shalay] uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland’ ayaa lagu yidhi wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ee kasoo baxday xafiiska warbaahinta ee qasriga madaxtoyada Somaliland oo shalay nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL. Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol waxa uu shaqada duuliyenimo ku soo dhex jiray shan iyo kontonkii sanno ee u dembeyey isaga oo tan iyo 1963 kamid ahaa saraakiishii sarsare ee ahaa duuliyeyaasha dalweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya.