Qof ismiidaamiyay ayaa 18 askeri ku dilay xerada tababarka booliska ee Ganaraal Kaahiye oo ku taalla Magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay ku simaha taliyaha booliska Soomaaliya, Ganaraal Mukhtaar Afrax, askartii ku dhimatay qaraxa ayaa la aasay.
Ugu yaraan 15 kale ayaa qaraxaasi ku dhaawacantay sida uu taliyaha ka sheegay shir jaraa’id.
Ninka miinada isku xiray wuxuu isku dhex qarxiyay ciidammo tababar ku sameynayay xerada dhexdeeda.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. Kooxda ayaa weeraro badan ka geysatay caasimadda Soomaaliya.
Goob joogayaal waxay sheegeen in ciidamada ay goob bannaan isugu tageen si ay u sameeyaan tababarka subax kasta markii qaraxa uu dhacayay.
Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magalaaco Maj Maxamed Huseen wuxuu sheegay in askarta ay isu diyaarinayeen xuska maalinta qaran ee booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka bishan Desembar.
Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidammad ay isu diyaarinayeen xuska maalinta booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka bishan Desembar.
Bartamihii bishii Oktobar, qarax ka dhacay isgoyska Soobe waxaa lagu dilay ugu yaraan 500 oo qof oo ku sugnaa meel suuq ah.
Sidoo kale, isla Oktobar, dablay ka tirsan Al-Shabaab waxay gudaha u galeen hoteel ku yaalla Muqdisho oo ay ku dileen ugu yaraan 20 qof.
Si kastaba, Al-Shabaab waxaysan ka hadlin masuuliyadda weerarkii Soobe.
Soomaaliya waxaa ku sugan illaa 22 kun oo askeri oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo muddo 10 sano ah isku deyay in ay ka adkaadaan Al-Shabaab.
Balse, ciidamada AMISOM ayaa isu diyaarinaya in ay ka baxaan dalka Soomaaliya oo howlgalka ay ku wareejiyaan kuwa Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr goor ballan qaaday in ay si degdeg ah uga jawaabayaan weerarada kooxda Al-Shabaab. Balse weerarada ayaa halkooda ka sii socdo ayadoo ciidamada AMISOM ay isu diyaarinayaan in ay Soomaaliya ka baxaan.