“Waxa Jira Warar Sheegaya Wasiirro Loo Diiday Inay Madaarka Ka Dhoofaan & Kuwo Loo Diiday Madaxtooyada, Arrintaasina…….”
“Muuse Biixi Cabdi maaha nin aanu isku cusub nahay ee cidda uu magacaabayo isagaa u madax bannaan, haddii aan anigu xukuumaddii kamid noqdana alxamdulillaah, haddii kalena……..” –Afhayeenka Madaxweynaha Xilka Wareejinaya ee Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Dayr),
Afhayeenka Madaxweynaha Xilka Wareejinaya ee Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa sheegay inaanay jirin Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Shaqada ka tegaysa ee Madaxweyne Siilaanyo oo loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo kuwo laga hor-joogsaday inay Madaxtooyada galaan toona.
Afhayeen Dayr waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin Wararkaas oo laysla dhex-marayey Maalmahan, isla markaana sheegayey in Wasiirro doonayey inay dhoofaan loo diiday inay dalka ka baxaan, sidoo kalena qaar kale loo diiday inay galaan gudaha Madaxtooyada oo ay ka socoto qaban-qaabada Xafladda Xil-wareejinta Madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha 13-ka bishii hore la doortay Muuse Biixi Cabdi oo 13-ka bishan lagu wareejin doono Xilka, sida uu Xuseen-Dayr u sheegay weriye Bedri Koosaar Maxamuud Oo ka tirsan Telefishanka ERYAL oo waraysi arrimahan iyo halka ay marayso munaasibada xil wareejinta labadamadaxweyne la xidhiidha shalay kula yeeshay barxadda hore ee aqalka madaxtooyada ee magaallada Hargeysa. Ugu horeynna waxaa afhayeenkuka war bixiyey halka ay marayso xafladda loo qabanqaabinayo in ay 13-ka bishan xilka kula kala wareegaan madaxweynihi hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha cusub eedoorashada ku guulaystay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “ 13-ka bisha haddii Illaahay yidhaahdo madashan aynu joogno ee yagleelka ah waxaa ka dhici doonta xafladkamid ah xafladaha ku suntan taariikhda qaranka Somaliland ooay xilka kula kala wareegi doonaan laba madaxweyne oo saaxiib ah, laba madaxweyne oo mujaahidiin ah, laba madaxweyne oo taariikh dheer wadaaga, laba madaxweyne oo isku xisbi ah; waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Muuse Biixi Cabdi. Qabanqaabada xafladaasina waxaa ay u socotaa si aad iyo aad u qiimo badan. Waxaana lagama maarmaan ah in ummmada Jamhuuriyadda Somaliland ay ogaadaan in xafladani kamid tahay kuwa ugu qiimaha badan qarankan soo mara waana xaflad si fiicanloo soo agaasimay, gudidii uu madaxweynaha la doortay u magacaabayna si aad iyo aad u qurux badan bay hawshii u wadaan”. Ayuu yidhi afhayeenka Madaxtooyadu. Waxaana uu intaa ku daray mar wax laga weydiiyey warar beryahan suuqa ku jiray oo nuxurkoodu odhanayay in qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda xilka wareejinaysa loo diiday inay dalka ka dhoofaan iyo inay aqalka madaxtooyada galaan xilli ay ku amran yihin diyaarinta xil-wareejintii xafiisyadooda, waxaana afhayeenka oo arrintaasi ka warbixinaya sugnaanshaheeda iyo waxa ka jira runnimadeeda uu yidhi “Run ahaantii wasiir kasta iyo masuul kasta oo madaxweynuhu digreeto ku magacaabay waxaa ay wadaan oo ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen xil wareejintii iyo agabkii, gaadiidkii, shaqaalihii, hantida maguurtada ah iyo ta guurtada ah ee ay qarankan uga masuulka ahaayeen, sidaas oo ay tahay ma jirto wax wasiirro ah oo laga celiyey madaxtooyada, waayo madaxtooyada shaqo ayaa ka socota oo madaxweynaha xilka wareejinaya ee hadda Axmed Siilaanyo waxaa uu ka soo shaqo tagaa gurigiisa oo maalin walba xafiiskiisa ayuu yimaadaa, madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi isna xafiis kale ayuu ku shaqeeyaa, shaqadu sidaaday u qaybsan tahay, wasiirrada iyo masuuliyiinta kalena hawlahoodii xil wareejinta ahayd ayay ku mashquulsan yihiin, wasiirkuna waxaa uu leeyahay xasaannad, madaxtooyaduna waa muraayadii qaranka ee haykalka dawladeed ku soo ururayay, wasiirkana waa halkii laga magacaabayay, sidaas darteed meeshalaga magacaabay wasiirka lagama celin karo. Mid kale waxaa jirta barobogaando la leeyahay wasiirro ayaa loodiiday inay dalka ka dhoofaan, warkaas waxaan caddaynayaa anigoo ku hadlaya afka xukuumadda iyo afka madaxweynahaba inaanu sal iyo baar midna lahayn.”
Gebagabadii xogwaranka afhayeenka madaxtooyadu uusiiyey Eryal TV, waxaa uu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey rejada uu ka qabo in uu kamid noqdo xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana isaga oo arrintaa ka hadlaya uu yidhi Eng. Deyr “run ahaantii aniga waxaa ii sharaf ah oo mansab iyo maamuus iigu filan in xukuumaddii aan kamidka ahaa, xisbigii aan kamidka ahaa iyo murrashaxii aantaageerayayba ay maanta ku guulaysteen talada, in taariikhdii iyo xusuustii madaxweyne Siilaanyo ee aan aniguna afhayeenka u ahaa ka tagayna ay halkii kasii socoto. Muuse Biixi Cabdi maaha nin aanu isku cusub nahay ee isaga ayaa u madax banaan, isaga ayaa awoodaas u leh, cidda uu magacaabayaana waa cid uu ku xushay hufnaan, waayo-aragnimo, xilkasnimo iyo aqoon dheeraad ah oo uu u leeyahay, sidaas darteed haddii aan xukuumaddiisa kamid noqdaana alxamdulillaah, haddii kalena mar walba xukuumadda Muuse Biixi Cabdi garab iyo gaashaan baan u ahaannayaa”. Ayuu yidhi Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), afhayeenka madaxtooyada Somaliland.