Waxaa Uu Sheegay Inay Ku Mashquul-san Yihiin Daraasad Ku Saabsan Sababihii Dhaliyey Guul-darradooda
“Waxaanu Gaadhi Waynay Wixii Doonaynay Waxaana Laga Yaabaa Inay Jiraan Sababo Badan Iyo Waxayaabo Aanu Tirsanayno, Immika’se Odhan Maayo Hebel ama Reer Hebel Bay Ahaayeen, Laakiin…….”
“Waxa socda Deraasad uu Xisbigu ku samaynayo maxaa keenay inaynu Xisbi ahaan gaadhi wayno (Guusha), maxaase hoos u dhigay Filashadeenii iyo……..”-Xirsi Cali Xaaji Xasan
Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay in lagu marti-qaaday oo ay ka qayb-galayaan Munaasibadda lagu Caleemo-saarayo Madaxweynaha la doortay iyo in kale. Xirsi oo u warramay Telefiishanka HCTV shalay ayaa sidoo kale ka hadlay deraasad ay ku samaynayaan sababaha keenay inay Doorashada ku guul-daraystaan.
Xirsi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annagu maanu Qorshaysan (Inaanu ka qayb-galno) iyaguna nagumay casuumin (Xafladda Dhaarinta Madaxweynaha), markaa wax Qorshe oo hadda nooga yaallaa ma jiro, laakiin Mustaqbalka waxaanu u daynaynaa Wakhtigiisa.” Hoggaamiyaha WADDANI wuxuu sheegay in aanay Doorashada ku guul-daraysan ee ay gaadhi waayeen halkii ay hiigsanayeen “Maanu Guul-daraysan ee waxaanu gaadhi waynay waxaanu doonaynay oo ahayd inaanu Talada Waddanka qabano, taasina waa wax loo tartami karo, markaad tartamayso in waxaad doonaysay aad gaadho iyo inaad Gaadhi waydo labaduba waa Suurto-gal, sababo badana way jireen, waana laga yaabaa, wayna jiraan waxyaabo aanu tirsanayno oo ay ka mid tahay inay Doorashada Gacmo-shisheeye soo galeen, laakiin haddii aanu aqbalnay wixii ka soo baxay wixii hore waxba dib ugu noqon maayo. Waxa socda Deraasad uu Xisbigu ku samaynayo maxaa keenay inaynu Xisbi ahaan gaadhi wayno (Guusha), maxaase hoos u dhigay Filashadeenii iyo maxaa ku soo kordhay Doorashada, waana markii ugu horreysay ee uu yimaaddo Wer-wer ah in Gacmo-shisheeye ina soo galeen. Ka hor-dhici maayo oo odhan maayo Hebe lama reer Hebel bay ahaayeen, laakiin Guddiga loo saaray War-bixinta ay soo saaraan ayaanu sugaynaa.”ayuu yidhi