Sidoo Kale waxa Suldaanku Shahaado-sharaf Ku Maamuusay Wasiirrada Waxbarashada, Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka
Suldaanka Guud ee beelaha ARAB Sul. Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada Waxbarashada iyo Maaliyadda Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan Iyò Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax. Suldaanka ayaa shahaadooyinkan guddoonsiiyay masuuliyantan mar uu shalay ka qaybgalay munaasibad xadhigga lagaga jarayay rugta akhriska buugaagta ee qaran taasoo loogu magacdaray madaxweynaha (Siilaanyo National Library). Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu madashaa uga mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Siilaanyo iyo Wasiirradii u kala danbeeyay Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan, isaga oo ku ammaanay doorkii ay ka qaateen dhismaha iyo hirgalinta dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku yaalla degmada 31ka May ee magaalada Hargeysa. Suldaanku waxa uu xusay inay shahaadooyinkani ka turjumayaan tacabkii ay geliyeen dugsigaas, waxaanu sidoo kale bogaadiyay Maktabadda Qaranka ee xadhigga laga jarayay oo loogu magacdaray SIILAANYO. Munaasibadda furitaanka maktabadda qaranka ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin tirro badan, madaxda xisbiyada qaran, wasiirro iyo siyaasiga caanka ah ee Cali Khaliif Galaydh. Ugu dambayntii Madaxweynaha xilka ka sii degaya Md. Siilaanyo ayaa xadhigga ka jaray maktabadda akhriska ee qaranka.