Madaxwaynaha habka beelaysan loo doortay ee jeegaanta Md Muuse Biixi Cabdi ee hadda ay gacanta u gashay maamulka iyo hakida dawlada Somaliland ayaa shacabka reer Somaliland waxay aad isku waydiinayaan su’aalo tiro badan oo ka dhex guuxaya maskaxdooda kuna saabsan in Muuse Biixi Cabdi oo kasoo baxay xisbiga KULMIYE uu fulin doono ballan qaadyo uu iclaamiyay wakhtigii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu kasoo baxay xisbiga KULMIYE oo muddo 7 sanadood ah manjaraha usoo hayay Somaliland,kaas oo lagu xasuusan doono arrimo dhawr oo ay kamid yihiin qabyaada oo heerkii ugu saraysay gaadhay,musuq-maasuq baahsan,boobka hantidii umadda,xaraashka dekeda Berbera iyo madaarkii diyaaradaha Berbera iyo arrimo kale.
Waxaana shacabka Somaliland aad iskugu waydiinayaan goobaha lagu kulmo su’aalo ay kamid yihiin Muuse Biixi madaxwaynaha la cumaamaday masoo celin doonaa hantidii Umadda ka dhaxaysay ee la boobay? Dekedii iyo Madaarkii Berbera ee la xaraashay? wasiiradii musuqa iyo boobka cad u gaystay hantidii umadda,isaga oo intaasoo dhanba kamid ahaa xisbiga KULMIYE gaar ahaan hogaanka sare.
Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa horyaala arrimo xasaasi ah oo loo baahan yahay inuu wax ka qabto taas oo ay kamid tahay kala qaybsanaanta Bulshada reer somaliland oo ay kala irdheeyeen xisbiyada iyo ololihii doorashada,waxaana uu durba u muuqdaa inuu isagu kala qaybiyay isimadii iyo madax-dhaqameedkii Beelaha Somaliland.
Shalay ayay ahayd markii Muuse Biixi Madaxwaynaha jeegaantu uu kulan kula qaatay gurigiisa madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin aan matalin beelaha ay kasoo jeedaan ee Garxajis,halkaas oo jilbaha la isku aastay,waxaanan Kulankan oo ahaa Mid muddo laga shaqeynaayey abaabulkiisa uu haddana noqday mid saameyn yar marka laga qiyaas qaato ama halbeeg laga dhigto Dareenka Labeenta & Hal-doorka Beelaha Garxajis oo aan gebi ahaanba soo dhaweyn,lana dhacsanayn kulankan & Qodobo lagu soo hadal qaadey,Halka Beelaha Isbahaysiga Jeegaanta & Warbaahinta taageertaa Xukumada Kulmiye aad u buunbuuninayaan.
Ha’se ahaatee waxa kulankaasi la isku dhaafsaday hadalo duur xul ah iyo kaftan siyaasadeed iyo hadalo dhaqameed,waxaana iyaguna isla shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa madax-dhaqameedka labeenta belaha Garxajis oo ku baaqay shir ay iskugu imanayaan.
Waxaana arrintaasi ay muujinaysaa in Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha la cumaamaday uu durba bilaabay inuu iska hor keeno masdax-dhaqameedkii beelaha Somaliland,iyaga oo laba u kala jabay madax-dhaqameedka Beesha Garxajis.
Lama garanayo halka wax sal dhigan doonaan,balse shacabku waxay isha ku hayaan isbadalka uu sameeyo Muuse Biixi.
Somaliland: Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha La Cumaamaday Ma Noqon Doonaa Mid Dib Usoo Celiya Hantidii Umadda Ee Loo Boobay,Dekedii Iyo Madaarkii Berbera Ee La Xaraashay Iyo Wasiiradii Qaska Galiyay Somaliland?
Date: