Somaliland: Dawladda Ingiriiska Oo Ay Ka Go’antahay Inay La Shaqayso Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland

Date:

Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay si dhow ula shaqaynayso madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib doorashadii madaxtooyada.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Rory Stewart, ayaa sheegay in masuuliyiinta Ingiriisku ay mudadii lagu jiray ku dhawaaqista natiijada doorashada xidhiidh la sameeyeen dhammaan saaxiibada Somaliland oo ay u cadeeyeen ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalaal ahi, “Intii hawsha lagu gudojiray waxa ay masuuliyiintayadu la xidhiidheen saaxiibada Somaliland si aanu u cadayno ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalaal ahi iyo weliba balanqaadka inaanu la shaqayno madaxweynaha cusub ee sharciga ah, si ay dadka reer Somaliland uga faaiidaan.”

Wasiirku wuxuu sheegay in safiirkooda Muqdisho danjire David Concar, uu kulan la yeeshay 24 November madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo uu ku bogaadiyay guusha uu gaadhay. Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay doorashadii Somaliland iyo doorka Ingiriiska ee  xidhiidhada ay la samaysay saaxiibada Somaliland.

Dawladaha reer galbeedka, ayaa u muuqda inay soo celinayaan wada shaqayntii ay la lahaayeen dawladda Somaliland, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November. Doorashooyinkii dib u dhacay, eeddo musuqmaasuq oo loo jeediyay xukuumadda talada sii haysa ee madaxweyne Siilaanyo iyo tacadiga saxaafadda ayaa wiiqay xidhiidhkii adkaa ee Somaliland iyo dalalka reer galbeedka. Waxase hadda la dareemayaa in reer galbeedku diyaar u yihiin inay soo celiyaan xidhiidhkaas.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...