Baaritaan ay samaysay hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu ogaaday in ka badan 20 milyan oo doolar si xun loo isticmalay intii lagu gudo jiray diyaarinta aaskii Nelson Mandela.
Hay’adda ayaa qeexday sida ay saraakiil ka tirsan dowladda ay lacago u xadeen islamarkana looga badbadiyay qiimaha ku baxay aaska Mandela.
Lacago loogu talagalay bulshada saboolka ah ayaa lagu iibiyay waxyaabo qiimahooda la kordhiyay sida funaanado qaali ah.
Warbixinta ay soo saartay hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku talinaysa in la sameeyo baaritaanno ku aadan musuqmaasuq.
Eedeymaha ku saabsan in lacagaha aaskii Mandela si xun loo adeegsaday ayaa markii ugu horreysay soo baxay sannadii 2014.
Nelson Mandela,oo ahaa madaxwaynihi ugu horreeyay ee madow ah dalka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday 4 sano ka hor.