US: Fadeexadihii Maamulka Trump Ee Xidhiidhkii Ruushka Oo Soo Laba-kacleeyey Iyo Wararkii U Dambeeyay

Date:

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Michael Flynn oo hore u ahaan jirey la Taliyiha arrimaha Amniga ee Madaxweyne Donald Trump in uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda Sirdoonka dalkaasi Maraykanka ee FBI.

Mr Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kaddib markii lagu eedeyeey in uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.

Mr Robert Mueller oo ahaa ergeyga gaarka ah ee baadhitaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii ayaa lagu soo waramayaa in  Dacwadaha hadda loo heysto Michael Flynn uu isagu  ka keenay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Michael Flynn uu isu diyaarinayo in uu bixiyo markhaati ku aadan wiilka uu sodogga u yahay Mr Trump Jared Kushner uu ka mid ahaa xubnaha sarsare ee xilligii kala guurka bixiyay amarka ah in xidhiidh lala sameeyo Ruushka.

Ninka dacwadda loo heysto Mr Flynn ayaa sheegay in uu la shaqayn doono gudiga baadhaya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeeen doorashadii Mareykanka ee 2016, taasi oo keeni karta in ay sii korodho siyaasadda cakrin ee ka dhexeysa Mareykanka iyo Waddanka Ruushka.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa War ka soo baxay lagu sheegay in Mr Flynn aanu cidna dambi ku qirin balse arrintani ay mid uun isaga khusaysa.

Sanatar Mark Warner oo ah gudoomiyaha gudiga sirdoonka u qaabilsn aqalka sanetka ayaa sheegay in ay doonayaan in dadka Mareykanka ay ogaadaan faahfaahin buuxda oo ku saabsan arrintan faragalint Ruushka iyo ciddii ku lug lahayd.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...