Trump: Flynn tillaabadii uu qaaday waxay ahayd mid sharci ah’

Date:

Madaxwayne Trump ayaa isku soo jeediyay eedeeymo cusub oo ku saabsan in uu caqabad ku noqday cadaaladda ka dib markii uu bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in sababihii uu shaqda uga ceyriyay Michael Flynn ay qayb ka ahayd in uu been u sheegay FBI.

Qaar ka mid ah khubarada sharci yaqanada ayaa sheegay in hadalka madaxwayne Trump uu u muuqdo in uu ogaa in la taliyihiisa uu marin habaabiyay baarayaasha.

Madaxwayne Trump ayaa ku adkaystay in ficilka uu sameeyay la tiliyihiisii hore uu yahay mid sharci ah.

Wariyaha BBC ee Washinton ayaa sheegaya in qoraalkan uu bartiisa Tweeter-ka soo dhigay madaxwayne Trump ay ku keeni doonto madax xanuun badan.

Mr Trump ayaa u muuqday in uu qiray in uu ogaa in Michael Flynn,uu been u sheegy FBI ka hor inta uusan shaqada ka cayrin.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Tweeterka ku sheegay in aysan jirin wax la qarinayo.

Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in Mr Trump haddii uu ogaa in Mr Flynn uu been u sheegay FBI markii uu cadaadiska ku saaryay agaasimaha FBI in la tuuro baaritaanada ka dhanka ahaa la taliyihiisa in taasi ay noqonayso mid u dhiganta in uu madaxwaynaha isku dayay in uu cadaalada hor istaago.

Jimcihii ayay ahayd markii , Michael Flynn uu noqday sargaalkii ugu horreeyay ee horrey uga tirsanaa maamulka Trump oo qirta in uu ka been sheegay xiriirkii uu la sameeyay Ruushka.

Dhanka kale telefishinka, ABC, ayaa shaqada ka joojiyay wariyahii TV-ga u qaabilsan baaritaanada, Brian Ross,.

Shaq ka joojintiisa ayaa ka dambeeysay ka dib markii uu ku waramay in arrinta Michael Flynn ay sababtay in si kooban uu hoos u dhac ugu yimid qiimaha doolarka suuqyada dalkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...