Mareykanka ayaa dalalka dunida oo dhan ka dalbaday inay calaaqaadka diblomaasiyadeed u jaraan Kuuriyada Waqooyi ka dib markii ay Arbcadii tijaabisay gantaal kale.
Iyadoo ka hadlaysay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qarmada Midoobay Nikki Haley waxay sheegtay in Trump uu ka dalbaday dhiggiisa Shiinaha inuu jara Saliida uu dalkiisa u dhoofiyo Pyongyang.
Waxa ay sheegtay in Mareykanku uusan doonayn colaad, balse haddii ay taasi dhacdana Kuuriyada Waqooyi ay ku halaagmi doonto.
Digniintan ayaa timid ka dib markii Pyongyang ay tijaabisay gantaalkeedu ugu horreeyay muddo laba bilood ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaalkii ay riday Arbcadii uu gaaray masaafo dhan 4,475km.
War laga sii daayay telefishinka qaranka ayay ku sheegtay in Pyongyang ay hadda xaqiijisay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal quwad Nukliyeer ah leh.
Waa markii koobaad ee ay gantaal ballistic ah tijaabiyaan muddo labo billood ka badan.
Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured waxaa ay shegeen in gantaalkani uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay meel u dhaw magaalada Pyongyang.
Xarunta wasaarada difaaca ee Pentagon-ka Mareykanka oo ka hadlay tallaabadan ay qaaday Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in tani ay u muuqato inay tahay gantaallada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.