Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, ayaa ka hadlay siday u arkaan ansixinta natiijada doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 13-kii bishan qabsoontay oo ay Maanta Maxkamadda Sare si rasmi ah u shaacisay natiijada kama-dambaysta ah oo ay ku ansixisay sidii Guddiga doorashooyinku natiijada ku-meel-gaadhka ah ugu dhawaaqeen 21-kii bishan November ee aynu ku jirno sannadkan 2017-ka.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel iyo Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse, ayaa Saxaafadda qaarkeed maanta kula hadlay Hargeysa, ka dib markii Maxkamadda Sare ee Somaliland shaacisay inay ansixisay Natiijadii Ku-meel-gaadhka ahayd oo ay Sabtidii toddobaadkan Guddiga doorashooyinku Maxkamadda u gudbiyeen, waxaanay sheegeen iyagoo ku hadlaya Afka labadaa Xisbi inay soo dhawaynayaan Tallaabada Sharci ee Maxkamadda sare Waajibkeeda ka gudatay.