Nin ayaa la xiray ayadoo lagu eedeeyey inuu ka xaday in ka badan 120 shaashadaha TV-yada ah qaar ka mid ah hoteellada raqiiska ah ee koofurta India muddo afar bilood ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa u sheegay qaybta afka Hindiga ee BBC in shaqaalaha hoteellada aysan marnaba ka shakin Vasudev Nanaiah, bacdamaa uu ahaa nin “akhyaar ah oo si wanaagsan u dhaqmayey”.
Marka uu hotelka galayo wuxuu soo qaadan jiray shandad weyn sida ay boolisku sheegeen.
Waxaa la qabtay isagoo TV ka xadaya hotel bishii Oktoobar, damiin ayuuna dibadda ku joogay markii mar labaad la qabtay.
Boolisku waxay sheegeen inuu xatooyada sii waday maalmo ka dib markii uu xabsiga ka soo baxay.
Ku xigeenka taliyaha booliska, Chetan Singh Rathor, wuxuu sheegay in Mr Nanaiah haddii ay marka hore shandaddiisu yar tahay uu qiyaaso inta uu TV-ga le’eg yahay, ka dibna uu mid cusub soo qaato.
‘Si caadi ah ayuu hotelka u soo galaa, ugana baxaa, inta badanna shaqaalaha hotelka umaba qaataan inuu inuu TV xaday’ ayuu yiri Mr Rathor.
Mr Nanaiah waxaa la qabtay markii nin uu doonayey inuu TV-yada ka iibiyo uu booliska wargeliyey.
Booliska Bangalore waxay diiwaan galiyeen 21 kiis oo xatooyo ah, waxayna rajaynayaan in xabsi dheer lagu xukumo.
Maxkamad ayaa go’aan ka gaari doonta in uu u baahan yahay in dhakhtar xanuunnada dhimirka yaqaanna uu qiimeeyo.