Somaliland: Ujeedada Kalfadhi Aan Caadi Ahayn Oo Madaxweyne Silaanyo Isugu Yeedhay Golaha Wasiirrada Ee Xukuumaddiisa, Hay’adaha Madaxa Banaan Iyo Taliyeyaasha Ciidamada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta isugu yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn wasiirada Xukuumadda iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawladda. Madaxweynaha oo la hadlayey masuuliyiintii shirka ka soo qaybgalay ayaa yidhi “ Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku bogaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad ka qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye.

Waxaan aamin-sanahay, in aad udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay. Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo qax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey, ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aamin-sanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba.

Mudaneyaal iyo marwooyin,

Sharaf weyn ayey ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan, iyo idinkaba, in  mar labaad xisbigeenii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcad iyo wanaagga aan maanta kaga tagay qarankan, idinkaa sabab u ah. Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama wey kala cawo iyo ayaan badan yihiin.

Kumaan khasaarin, isla markaana eebbe iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyayaashaydii.

Sidaa darted, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahadceliyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila shaqayseen, iina garab is-taagteen.

Mudaneyaal iyo marwooyin

Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guud ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa.

Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in wakhtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. Wakhtiga iyo qaabka xil-wareejinta, waxa sharax dheeraad ah, gun iyo gebo-gebo, waxaan idinkaga tagayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco”.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...