Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar Oo Talooyin u soo jeediyey Madaxeynaha La Doortay Muuse Biixi Cabdi
Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa Talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Shacabku ku doorteen doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka.
Sheekh Cabdillaahi oo Safar ku jooga Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayaa Hadal uu Warbaahinta halkaa ku siiyey ku Hambalyeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), sidoo kalena wuxuu bogaadiyey Musharraxiintii Xisbiyada Mucaaradka ah ee aqbalay Natiijadii Doorashada ka soo baxday.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee la doortay oo kala ah Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, waxaan leeyahay Xil culus baa la idiin dhiibay ee ILAAHAY ha idin karsiiyo. Waxa kale oo aan Hambalyeynayaa Musharraxiinta Xisbiyada WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo ku-xigeenkiisa oo ah Inankaan Adeerka u ahay ee Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe oo ahaa Musharraxa Xisbiga UCID iyo ku-xigeenkiisa, waxaan ku hambalyeynayaa Qancidda ay ku qanceen Doorashada, iyagoo eegaya Sharaftooda iyo baaqii ay Ummadda reer Somaliland u soo jeediyeen.”
Sheekh Cabdillaahi wuxuu Talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha la doortay “Madaxweynaha waxaan leeyahay, Ciddii ku dooratay iyo Ciddaan ku dooran ba Maanta Adigaa Madaxweyne u ah, Madaxweyne Dadkii ku doortay Dhammaantood ma wada ah Xul Dawladnimada u qalma, Dadkii kaa weecdayna maaha Dad aan ku fiicnayn Dawladnimada, sidaa darteed waxaad Dawladnimadaada ku sallaysaa Daacadnimo iyo Ikhlaas, Dawlad tiro yar oo Tayo leh, adigoon u eegin kani wuu kaa codeeyay, kanna wuu kuu codeeyay, waxa jira dad kaa codeeyay oo Dadku u arkaan inay sharaf tahay inaad Dawladda ku soo darto…”ayuu yidhi.