Dhibaato intee la eg bay gaysan kartaa Kuuriyada Waqooyi xitaa nukliyeer la’aan?

Date:

Kuuriyada Waqooyi waa dal la faquuqay, saboolna ah, balse milatari ahaan aad u dhisan. Hogaankooduna wuxuu lee yahay hal hadaf oo ah sidii uu ku jiri lahaa.

Waana taas sababta ay dhaqaalaha iyo wakhtiga badan u galiyeen barnaamijyada ay nukliyeerka iyo gantaallada ku samaysanayaan, kuwaas oo ah caymiska dawladda ee kama dambaysta ah.

Awood kaste oo Nukliyeer oo ay adeegsadaan masiibo ayuu noqon doonaa khaas ahaan dalka Kuuriyada Waqooyi laftirkiisa, xukuumadduna waxaa laga yaabaa in aysan ka badbaadin dagaalkaas.

Laakiin arrintaas aan wanaagsanayn ma aha arrin walwalkeedu hadda taagan yahay. Halistuse waa in ay ka sii daraan weerarrada afka ah ee dhexmaraya Washington iyo Pyangyang oo ay xaqiiqo isu badalaan.

Kuuriyada waqooyi ayaa ah dal hadda ka hor awood adeegsaday lagana yaabo in uu hadda ka dibna adeegsado. Bishii Maarso ee 2010kii waxaa la aaminsan yahay in uu quusiyay Markab yar oo dagaal oo ay leedahay Kuuriyada Koonfureed.

Awood milatari

Isla sannadkaasna gantaalladooda ayay ku duqeeyeen jasiirad ay leedahay Kuuriyada Koonfureed, haddii xiisadda hadda taagan ay ka sii dartana, Kuuriyada Koonfureed ayaa noqon doonta meesha ay kula dhici doonaan carada.

Milatariga Kuuriyada Waqooyi tiro ahaan ka badan kan Koonfurta waxayna keeneen meel u dhaw dhulka milatariga ka caagan ee xadka labada dal.

Waxaa si joogto ah loo tilmaamaa in qaabka ugu wayn ee ay ciidammada Kuuriyada Waqooyi ay u dagaalami karaan in ay tahay adeegsiga madaafiicda iyo gantaallada.

Haddii uu dagaal qarxana waxay saacado ku gaaari karaan caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Seoul.

Dhibaato baaxad leh

Xaqiiqaduse sidaa ma aha, Seoul waxay aaga milatariga ka caagan u jirtaa 40km waxaana gaari kara oo kali ah madfaca ugu riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa dhanka tayada kaga wanaagsan dabcanna waxay weerarro xoojin ah oo baaxad leh ka heli karaan milatariga Maraykanka.

Haddii uu soo noqdo dagaalkii Kuuriya ee 1950yadii oo ciidammada waqooyigu ay u ruqaansadaan dhanka Koonfurta waxay taasi abuuri doontaa dhibaato baaxad leh oo soo gaarta shacabka. (Dabcanna waxaa ka mid noqon doona arday badan oo Shiinays ah iyo ganacsato badan oo degan magaalada Seoul) laakiin si aan laga baaqsan karin ayay masiibo uga soo gaari kartaa xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Dagaalkii labaad ee Kuuriya in uu dhaco ayaanse la rajaynaynin. Laakiin halista taalla ayaa ah in Waqooyigu ay in ay ciidammada u adeegsadaan daandaansi ama ay qaadaan tallaabooyin kale taas oo keeni karta dagaal guud.

Marka laga soo tago in Waqooyigu ay qani ku yihiin gantaallada iyo madaafiicda, waxaa kale oo ay haystaan hub kale oo badan oo kiimiko ah. Waxaa kale oo lagaya yaabaa in ay haystaan hub kale oo bayologi ah.

Waxaa kale oo ay leeyihiin ciidammo badan oo si khaas ah loo tababaray, iyo kuwo loo carbiyay in ay dhex galaan kuwa Koonfurta, sidoo kalena waxay sameeyeen awood ay ku qaadi karaan weerar dhanka internetka ah.

Sidaas daraadeed waxay haystaan siyaabo badan oo ay weerar milatari u qaadi karaan, Laakiin dagaal ka dhan ah Maraykanka ama dalalka ay xulafada yihiin wuxuu keeni karaa halis ah in uu dhaco dagaal guud, sidaas haddii laga soo qaadana xukuumadda Pyongyang diyaar uma aha. Inkastoo ay afka wax badan ka leeyihiin haddana hogaanka Kuuriyada Waqooyi wuxuu ka dharagsan yahay halista ay faraha ku jiraan.

Dhanka Kuuriyada Waqooyina haddii arrinta laga fiiriyana caadi ayay la tahay haysashada hubka nukliyeerka ah iyo kuwa qaaradaha isaga kala goosha kuwaas oo halis galin kara Maraykanka.

Kuuriyada Waqooyina waxaa laga yabaa in ay ku doodo in sababta ay meesha uga baxeen kaligood taliyeyaashii hore sida Saddaam Xuseen iyo Mucamar Al Qadaafi in ay ahayd in aysan haysanin hubkaas halista ah.

Waxaas oo dagaal ah oo Maraykanka lala galo loona malaynayo in waxa kali ah ee laga faa’iidi karo uu yahay in uu soo afjaro xukuumadda wax macno ah ma samaynayso.

Dagaal kasta oo ka dhaca gacanka wuxuu faa’iido u noqon doonaa Washington.

Kuuriyada Waqooyina waxaa lagu wajihi doonaa jihooyinka kooban ee dhanka koonfureed oo aan iyaga caawinaynin marka laga fiiriyo qaabka uu dhulku u samaysan yahay waxaana laga yaabaa in wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanku ay la timaaddo xeelad dagaal oo cajiib ah oo dhulka iyo cirka ah si ay Waqooyiga u jabiso.

Waxayse u badan tahay in dhicitaanka dagaal noocaas ah uu yahay wax aan meeshaba la soo dhiganin. Dhinacna dan uguma jirto, halistaasina gabi ahaanteedba waa khalad iyo tallaabo loo qaaday xisaab xumo iyo si khalad ah, waana astaan jahwareer tilmaamaysa.

Kuuriyada Waqooyi badanaaba waxay baahisaa fariimo aad u kulkulul. Maraykankuna wuxuu hadda u baahan yahay in uu ka fiirsado codka uu fariintiisa ku gudbinayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...