Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

Date:

Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo shalay ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa kala hadli doona mas’uuliyiinta Imaaraadka arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dhinac iyo Imaaraadku ku ixtiraamo go’aanka ay dowladda federaalka ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Carabta.

Waayadii ugu danbeeyay waxaa jiray kala aragti-duwanaasho siyaasadeed oo kala dhaxgalay dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka dhisan oo taageeray go’aanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka qaateen Qatar, iyaga oo ka hor yimid mowqifkii dhexdhexaadnimo ee dowladda federaalku ka qaadatay arrintan.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa la sheegay in ay gacan saar hoose la leeyihiin maamul gobolleedyada qaatay mowqifka ka dhanka ah dowladda federaalka, iyaga oo dhinaca kalana kulamo iyo shirar la yeeshay siyaasiyiin ka soo horjeeda dowladda federaalka.

Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in looga wadda hadlo arrimahaa oo idil iyo kaalinta UAE ay ka qaadan karaan dagaalka ay dowladdu ku dhawaaqday ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...