Maxkamadda Sarre ee Kenya oo ansixisay guushii Uhuru Kenyatta

Date:

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.

Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay laalida guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraaga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari gudhaood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.

Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo.

Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u hacdo si xaq iyo xor ah.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa ku soo warramaya inuu jira shaki ah in go’aanka maxkamadda ee maanta soo aafjari kara qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Jimcihii, rabshado ayaa ka dhacay Nairobi kuwaas oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha Raila Odinga oo doonayay in ay hoggaamiyahooda soo dhoweeyaan. Wuxuu ka soo laabanayay Mareykanka oo uu isbuuc ku maqnaa.

Uhuru Kenyatta

Sabtidii afar qof ayaa lagu dilay magaalada Nairobi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen.

Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...