Afahayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Buubaa ayaa beeniyey Warar uu Television ka Eryal Tv Saaka Baahiyey iska markaana ku Sheegay in ay Saddexda murrashax Saaka ku saxeexeen Nayiijadii kamadabaysta ahayd ee Doorashooyinka Somaliland.

Xisbiga waddani ayaa maalmihii u dambeeyey ka dalbanayey Komishanka In dib loogu tiriyo Sanaaduuqda Degmooyinka 26ka june, Ibraahim Koodbuur iyo Gabiley ayaanay wax codad ahi uga soo kordhin kadib markii dib loo tiriyey.

Waxanan wararka Komishanka qaranka somaliland kasoo baxaya sheegayaan in ay dhamaatay tirintii guud ee Codadka Gobolka Maroodijeex, isla markaana lagu dhawaaqi doono Cawa ilaa Aroorta haduu alle idmo.