Somaliland: Madax-dhaqameed Baaqyo Nabadeed Ka Soo Saaray Rabshadihii Ka Ka Dhacay Hargeysa Iyo Burco

Date:

Ka dib, Rabshado Dhimasho iyo dhaawacba keenay oo ka dhashay Muran ka taagan Codadkii laga dhiibtay Doorashada Madaxtooyada oo Xisbiga WADDANI shaki ka muujiyey, ayaa waxa iska soo daba-dhacaya baaq nabadeed oo ay soo saarayaan Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Hal-doorka Ummaddu.

Madax-dhaqameedka iyo Hal-doorka Dalka oo baaq nabadeed ka soo saaray Rabshadihii ka dhacay Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, waxayna dhammaantood Dadweynaha ugu baaqeen inay meel uga soo wada jeedsadaan ilaalinta Nabadgalyada, iyagoo Asxaabtana ku waaniyey inay Shacabka kiciyaan.

Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka ku baaqay ilaalinta Nabadgalyada, ayaa waxa ka mid ah Boqor Muxumed Geelle Seed oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley, waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Somaliland waxaan leeyahay, waad ogtihiin waxaad soo marteen Dhib iyo Dheefba, Dabka aynu ka soo baxnay waad ogtihiin, Maanta Dawladnimo ayaynu gaadhnay, Doorasho la mid ah tii Dalalka Reer Galbeedka ayaynu galnay, si wanaagsan ayay inoogu dhamaatay, waa ayaan-darro inaynu Doorashadeennii Xagga dambe ka burburino. Doorashadii way dhamaatay ee Dadku ha is-dejiyo, Komiishanka aynu dhaarinay Natiijada uu soo saarno aynu sugno.”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isaguna ka hadlay Shirka Jaraa’id ee Madax-dhaqameedku Gabiley ku qabteen ayaa yidhi “Waxaanu halkan ka Tacsiyadaynaynaa Dadkii ku dhintay Rabshadihii ka dhacay Burco iyo Hargeysa.”

Suldaan Ibraahim waxa kale oo uu sheegay “Nasiib-darro ayay innagu tahay inaynu xagga dambe ka dhooqayno Doorashadii sida wanaagsan inoogu dhacday. Sharaf dhac bay Dalkeena ku tahay, Sharaf dhac bay Dimuqraadiyaddeena ku tahay, Sharaf dhac ayay ku tahay Qarannimadeena.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ku baaqay in la sugo Go’aanka Komiishanka Doorashooyinku ka soo saari doono Doorashada Madaxtooyada “Waa in la sugaa Go’aanka Komiishanka Doorashooyinka.”

Baaqyo kuwaasi la mid ah ayaa laga soo saaray Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo meelo kale oo Dalka ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...