Somaliland: “Waxaa Dhacday Wax In La Siyaasadeeyo Aan Ahayn Oo Ah In Askari Aan Waxba Hubsani Uu Xabad Kor U Riday, Laakiin..”

Date:

“Puntland Haddii Nabadgelyada Iyo Deris Wanaagu Deeqi Waayaan Dalkayaga Difaaciisa Waannu U Joognaa” -Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa jawaab adag u diray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntand oo ku dhawaaqay hadallo lid ku ah doorashada madaxtooyada ee Somaliland iyo in ay faro gelin ku samayn doonaan deegaano ka tirsan gobollada bari ee dalka. Waxa kaloo uu Wasiir Faratoon uu ka hadlay isu soo bixii ololaha doorashada madaxtooyada ee shalay ee magaalada Laascaanood oo uu shalay u lahaa Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in si wanaaagsan u dhacay isla markaana warbaahinta qaar uu tilmaamay in ay si khaldan warar uga qortay.

 

Wasiirka Daakhiligu wuxuu sidaa ku sheegay waraysi siiyey wargeyska Dawladda ee DAWAN waxaa uu ugu horeyn ka jawaabay su’aal laga weydiiyey siduu u arko hanjabaad ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland oo sheegtay in deegaanno ka mid ah bariga Somaliland in ay dagaal ka xigto haddii la geeyo sanaduuqda doorashada madaxtooyada gobollada Sool iyo Sanaag bari , waxaannu yidhi “Somaliland waa dal xor ah oo ah qaran madaxbannaan oo arrimihiisa u madax-bannaan cidna uga fasax qaadan maayo doorashooyinkiisa iyo deegaanadiisa siday uga qabsoomayso, maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaan leeyahay waxay dani idiinku jirtaa in aad ilaalisaan deris wanaagga iyo nabadgelyada doorasahda Somaliland ka qabsoomaysaana maaha mid dhul cid kale ay leedahay aanu ku faro galinayno waxay doorashadu ka qabsoomaysaa waa Somaliland cidda la dooranayaa waa Somaliland, cidda tartamaysaa waa Somaliland.”Ayuu yidhi Faratoon “ Markaa Puntland Hadday nabadgelyada iyo deriswanaagu deeqi waayaan, dalkayaga difaaciisa waanu u joognaa, cidna uga dul qaadan mayno in ay faro galin ku soo samayso dalka iyo dadka Somalland,Puntland,nabad iyo jaar wanaag in aanu ku wada noolaalno hadday diido colaadna waxba cidna kuma yeeli karto dhulna wax la isa siiyo maaha,”ayuu yidhi Wasiir Faratoon. Waxa kaloo uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay munaasibaddii ololaha Xisbiga KULMIYE ee Laascaanood ee oo la sheegay in shaqaaqo ka dhacday,waxaannu yidhi “Laascaanod waxaa ka dhacday munaasbad aad u qiimo badan oo sidii ugu waynayd loogu soo baxay maanta(shalay) xisbiga KULMIYE waxaanay dadka magaalada Laascaanood mujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE, laakiin waxaa jirta wax aan ahayn in dhibaato laga dhigo oo la syaasadeeyo oo ah in dhallinyaro isku yara buuqday in askari xabad kor u riday taasoo iyada lafteedu degdeg ahayd oo askari aan waxba hubsani uu xabada riday, laakiin xabadaasi cidna wax may yeelin hannaankii munaasibadu u socotayna waxba kamay beddelin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...