05 November 2017
TACSI GUDDOOMIYE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Aw Daahir Xujaale oo ku geeriyooday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2017.
Marxuum Maxamed Aw Daahir Xujaale waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankii macallimiinta ka ahaa dugsiyada muddo dheer ka hor ee waxbaray da’yar badan, markii dambena waxa uu degnaa dalka Sucuudiga oo uu waqti badan ku noolaa, isagoo kaalin muuqata kaga jiray qurba-joogga kaalmada iyo waxtarka si joogtada ah uga gaysanayey dalka iyo dadka Somaliland. Waxaannu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumka dhammaal qoysaska ilma Xujaale.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE