“Maanta [Shalay] Waxa Aanu U Ambo-baxaynaa Lixda Gobol, Sanaaduuqdiina Ayay Meel Kasta Tagayaan, Toddobada Xubnood Ee komishanka ahi inay daacad yihiin…………”
“Waxaanu Shacbiga reer Somaliland iyo Axsaabta Ka codsanaynaa inay kalsooni buuxda ku qabaan in ay Toddobada Xubnood Daacad yihiin”
…………………………
“Annagu Markaanu Xafiiska Imanaynay Waanu Dhaarannay Oo Caddaalad Ayaanu Ku Dhaarannay, Caddaalladiina……” .
Toddobada Xubnood ee komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shacbiga Somaliland ka codsaday inay kalsooni buuxda ku qabaan hawsha ay gacanta ku hayaan isla markaana ay ka xil la’aadaan qabsoomida doorashada oo maalinta loo dareeri doonaa waxyari inaga xigto. Gudddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo shalay warbaahinta la hadlay kadib markii ay isaga iyo xubnaha kale ee komishanku uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo oo booqasho shaqo iyo xog is waydaarsi isugu lamaan ugu tageen waxaa uu sheegay cagta ku hayaan dhabihii ay ku hirgelin lahaayeen ballanqaadkii ayku dhaarteen maalintii ay la wareegeen xafiiska komishanka, ballanqaadkaas oo uu ugu horreeyey inay caddaallad iyo hufnaan ugu adeegayaan qaranka isla markaana ay doorasho xor iyo daah furnaan ah ugu kala saari lahaayeen tartamayaasha doorashada madaxtooyada. Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan waxa kaleoo uu ka hadlay nuxurka kulanka ay komishan ahaan xafiiskiisa kula qaateen madaxweynaha oo uu sheegay inay warbixin ku siinayeen illaa haddaqaabka ay u socoto hawshu, isaga oo carrabka ku dhuftay in dhammaan goobaha ay dadkii kaadhka codbixinta qaatay codkooda ka dhiiban doonaan ee dalka oo dhan ay shalay ahaan komishanku u kala direen sanaaduuqdii codka lagu ridayay isaga oo sidoo kale sheegay in wufuud ay kala hoggaaminayaan xubnahoodu ay shalay ahaan u kala ambo baxeen gobollada dalka oo dhan.
Dhinaca kale Aqalka madaxtooyada ayaa ka hadlay kulanka ay komishanku la qaateen madaxweynaha oo ay dulucdiisa ku sheegtay in uu daarnaa sidii ay warbixin uga siin lahaayeen qaabka ay ilaa hada u socoto u diyaar garawga doorshooyinka Somaliland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 10 maalmood.
Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wararka Afhayeenka Madaxtooyada, Kaas oo u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadiyay xubnaha komishanka dadaalka dheer ee ay ugu jiraan inay waajibkooda gutaan isagoo madaxweynuhu ugu duceeyay in ILLAAHAY ku asturo hawshaas baaxada leh ee ay qaranka u hayaan maalmaha koobanina uga hadhay. Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Imaan Warsame oo kahadlay kulanka ay la qaateen madaxweynaha ayaa yidhi “waxaanu maanta [shalay] madaxweynaha ugu nimi salaan sharaf iyo inuu noogu soo duceeyo hawsha baaxada leh ee aanu gudo galayno, waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahad naqaynaa mudadii aanu xafiiska joognay tacabkii uu na galiyay iyo gacantii uu nasiiyay, waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahadcelinay sidii uu u qaadatay inuu lacagta doorashada wada bixiyo kadib markii deeq bixiyayaashu nagu yidhaahdeen mahayo lacag aanu idinku caawino, go’aan dhiiran ayuu ahaa, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidii ay amarada komishanka u qaadanayeen iyo sidii ay ugu soo jeedeen in qarankan doorashooyinkiisu aanay is taagin, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa qolada deeq bixiyayaasha oo aad inoo caawiyay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa saddexda xisbi qaran, wax aanu leenahay saddexda guddomiye waad mahadsan tihiin, waxaynu soo marnay diiwaangelin casri ah oo ALLE inagu guuleeyay, waxa kale oo aynu galnay kaadh qaybintii, maanta waxaanu u ambabaxaynaa 6da gobol ee dalka, sanaaduuqdii doorashaduna maanta ayay meel kasta tagayaan”.
Guddomiyaha komishanka ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay kalsooni buuxda siiyaan xubnaha komishanka “waxaanu halkan farriin u diraynaa shacabka reer Somaliland inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota, inay kalsooni buuxda ku qabaan 7-komishanka ahi inay daacad yihiin, diyaarna u yihiin inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo cadaalad ku dhisan, kalsoonidaas waxaanu ka codsanaynaa axsaabta iyo shacabka, waanu dhaaranay markii aanu xafiiskan imanaynay oo caddaalad ayaanu ku dhaaranay caddaaladdiina waanu wadnaa”.a yuu yidhi Guddomiyaha Koomishanku”.