Dilkii qaarijinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii hore ee Maraykanka John Fitzgerald Kennedy ayaa waxa ay ahayd dhacdadii ugu naxdinta badnayd ee dhacday qarnigii 20-aad.
Iyada oo 50 sano laga joogo markii la dilay ayaa waxa ay dowladda Maraykanka markii ugu horreysay daaha ka rogtay illaa 3,000 oo dokumendiyo sir ah oo la xiriira waxa ay dowladda ka ogtahay dilkiisa.
JF Kennedy ma uusan ahayn madaxweyne iska caadi ah, waxa uu ahaa mid Aqalka Cad nuuriyay, wuxuu ahaa halyay dagaal oo kasoo jeeda qoys taajir ah oo saameyntoodu badantahay, wuxuuna saaxiibo la ahaa dad aad caan u ah sida Frank Sinatra uti Dean Martin.
Xaaskiisa Jackie ayaa iyaduna ahayd mid qurux badan oo xagga labis ku xeeldheer.
22-kii November, 1963-dii waxaa Kennedy lagu toogtay magaalada Dallas, saacado gudahoodna waxa uu xaalka u muuqday in la xaliyay wixii dhacay kadib markii ay booliiska qabteen nin 24 jir ah oo ciidamada Marines-ka ka mid ahaan jiray oo lagu magacaabo Kee Harvey Oswald, kaas oo lagu soo oogay dacwad dil ah.
Dilka Kennedy ayaa waxaa duubay kaamarooyinka warbaahinta iyada oo ay xabbada ka dhex baxayso jirkiisa, wuxuuna saarnaa gaari dusha ka feedan oo uu dadka ka dul salaamayay.
Balse labo maalmood gudahood Oswald waxaa saxaafadda horteeda ku toogtay nin ah mulkiile caweys oo lagu magacaabo Jack Ruby xili maxkamadda laga soo bixiyay Oswald.
Dhimashada Oswald waxa ay meesha ka saartay in la ogaado runta waxa ay tahay iyo sidii ay wax u dhaceen ee rasmiga ahaa, gaar ahaan sababta loo dilay madaxweynaha, iyo cidda ka dambaysay dilkiisa. Waxayna taas horseeday in la faafiyo afkaaro aad u kala duwan oo ku saabsan waxa dhacay.
Baaritaan ayaa la sameeyay, waxaana loo saaray dilka guddi lagu magacaabo Warren oo loogu magac daray xaakimkii madaxda ka ahaa guddiga oo lagu magacaabo Warren, wuxuuna guddigaasi baaritaankiisa kusoo gunaanaday in Oswald uu kaligiis falka geystay.
Waxa uu guddiga sheegay in aysan jirin wax la qariyay iyo cid kale oo soo qorsheysay dilka, balse waxaa mar kasta jiray su’aalo badan oo aanan laga jawaabin, waxaana shakiga sii kordhiyay maadaamaa lagu jiray dagaalkii qaboobaa ee adduunka.
Lee Harvey Oswald ayaa sanadkii 1959-kii u baxsaday dhanka Midoowgii Soviet, balse waxa uu Maraykanka kusoo laabtay sanad uun ka hor marka uu dilayo Kennedy.
Waxaa jira aragtiyo badan oo kala duwan oo laga qabo dilkii Kennedy, midka aad doonto ayaadna qaadan kartaa, qaar ayaa laga jilay aflaam Hollywood-ka, qaar ayaa buugaag laga qoray, qaarna waxaa aaminsan aqoonyahannada.
Aragti kale ayaa qabta in kooxaha maafiyada ay ka dambeeyeen dilka madaxweynaha, qaar kalane waxa ay eedeynayaan madaxweyne ku xigeenkiisii Lyndon Jognson.
Waxaana jira su’aalo badan oo laga qabo illaa heerka hay’adaha sirdoonka Maraykanka FBI iyo CIA ay ka warhayeen dilka madaxweynaha.
Maxay sheegayaan siraha cusub ee lasoo bandhigay?
Waxa ay qaadanaysaa muddo todobaadyo ah in lagu akhriyo siraha cusub ee lasoo qufey, sidaasi darteed wali ma jiraan wax weyn oo soo ifbaxay, balse waxaa jira waxyaabo xiiso leh oo aanan horay loo ogayn.
Waxaa ka mid ah wargeys British ah oo la wacay 25 daqiiqo ka hor intii uusan dilka dhicin, taas oo lagu wargaliyay in ‘War Weyn’ uu ka dhici doono Maraykanka.
Sidoo kale hay’adda sirdoonka FBI ayaa booliiska Dallas uga digtay in uu jiro qorshe la damacsanyahay in lagu dilo Lee Harvey Oswald oo loo haystay dilka madaxweynaha.
Waxaa kale oo jiray in atariisho caan ah oo ka tirsan shirkadda Hollywood su’aalo laga weeydiiyay xaflado tamashlayn ah oo ay kala qeybgashay madaxweyne Kennedy.
Maxaa illaa hadda sir ah oo aanan la shaacinin?
Hay’adda sirdoonka CIA waxa ay ku doodaysaa in boqolaal cajaladood iyo qoraalo ku saabsan wixii dhacay ay wali qarsoonaadaan, maadaamaa ay wax u dhimayaan amniga Qaranka Maraykanka.
Waxa ay ku qanciyeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in aanan la shaacinin, balse isaga waxa uu CIA u qabtay muddo 6 bilood ah in ay keenaan sabab cad oo ay tahay in diiwaanadaas ay sir u sii ahaadaan.
Dadka qaar ayaa qaba in hay’adaha sirdoonka ay qarinayaan qaladaadkii ay iyagu galeen.