Ex. Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo Sharraxay Kartida iyo Awoodda Hoggaamineed ee Murrashax Muuse Biixi

Date:

“Maalintii Balli-gubadle Ay SNM-tu Isugu Tagtay Ee Nin Waliba Xukunkii U Soo Qooqay  Ayaan Caddaaladdiisa Ogaaday Muuse Biixi  ee Ninkaas iyo raggiisu caddaalad way keenayaane yaan wax shuruud ah lagu xidhin”

Wasiirkii hore ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa markii ugu horraysay si farshaxannimo leh u sharraxay kartida iyo awoodda hoggaamineed ee murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo shalay ka hadlay madal ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Boorama dhoolla-tusyo isu-soo-baxyo ah ku muujiyeen, ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waqtiyo adag soo wada qaateen. Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, waxa uu sheegay inuu murrashax Muuse Biixi yahay shakhsi la tijaabiyey waqti adag, isla markaana uu yahay waayo-arag xilkas ah, waxaannu yidhi, “Anigu Muuse Biixi waan garanayaa, waayo geed hoostii baanu wada seexanay oo dagaal baanu soo wadagalnay, hoggaannimadiisana waxaan ku qirayaa markii Balli-gubadle ay SNM-tu isugu tagtay ee nin waliba xukunkii u soo qooqay wuxuu ahaa shirguddoonkii shirkaas, maalintaasaanna anigu caddaaladdiisa ogaaday, ninkanina wuu soo gaadiiday, caalamkana askar badan baa soo xukuntay oo taasi maaha wax lagu wadahadlo.” Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Cabdilaahi Ducaale waxa uu bulshada farta ugu fiiqay in axsaabta mucaaradka ah qaarkood ay xagga dambe u fadhiyaan siyaasiyiin Somaliland in badan dagaal kula jiray, halka ay KULMIYE hormood u yihiin siyaasiyiin taariikhda Somaliland iyo halgankaba baal dahab ah kaga qorani, “Raggii lahaa Somaliland ma jirto ayaa ku dhex xuub-siibtay qaar kamid ah axsaabta qaranka oo xagga dambe u fadhiya, laakiin halkan (KULMIYE) waxaan ogahay rag ibnu xalaal ah oo aan qarannimada ku aamini karo, anigana qabyaalad iguma xamanaysaan oo Boorama ayaaba la ii tirin jiray,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Waxa kaloo uu caddeeyey in Guddoomiye Muuse Biixi iyo siyaasiyiinta kale ee la safani yihiin qaar dalka caddaalad u keeni kara, “Ninkaas (Muuse Biixi) iyo raggiisu caddaalad way keenayaane yaan wax shuruud ah lagu xidhin,” ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...