Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka digay in qalaalse iyo isku dhac dambe oo ku saabsan ololaha, in la sameeyo, waxaanu Masuuliyiinta Xisbiyada ugu baaqay inay taageerayaashooda xakameeyaan, oo ay ku booriyaan inay si nabadgalyo ah u ololeeyaan, waxaanu xusay in cid walba oo ka hor timaada sharciga in la ciqaabi doono, sharcigana la tiigsan doonaan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Hargeysa ayey wax yari ka yara dhaceen, laakiin Dadka in badan baa looga digayey in isku dhac iyo qalaalase la abuuro, sharciya ayaanu ka soo saarnay, Guddida Nabadgalyada Qaranku go’aamo adag bay ka soo saartay, oo ah in cidii dhib abuurta in sharciga la marsiiyo, oo la ciqaabo”.
Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu baaq u diraayey Masuuliyiinta Xisbiyada ayaa yidhi “Madaxda Xisbiyada waxaan farayaa inay xakameeyaan
taageerayaashooda,lama ogola cid nabadgalyo daro abuurta, Doorashadu inay si xor iyo xalaal ah ku dhacdo ayaa la doonayaa, si nabadgalyo ah ha ku dhacdo ee waa inay Madaxda Xisbiyadu taageerayashooda ku wacyigeliyaan in si bilaa turxaan ah, oo aan nabadgalyada wax yeelayn inay ugu ololeeyaan maalinta ay ololaha u leeyihiin, isla markaana aanay Taageerayaasha Xisbiyadu isku xadgudbin,gacan bir ah ayaanu ku qaban doonaa ciqaab culusna waanu marsiin doonaa cid kasta oo nabadgalyada isku dayda inay wax yeesho, ee aynu wada ilaashano nabadgalyada”.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudduha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye, dalka ka hirgaliyey maashaariico horumarineed, waxaanu shacabka ku booriyey inay codkooda siiyaan Xisbiga Kulmiye.