Mataano madaxa iskaga dhegganaa oo la kala fujiyey

Date:

Dhakhaatiir joogta caasimadda India ee Delhi ayaa kala fujiyey laba wiil oo dhakada madaxa isaga dhegganaa.

Ilmaha oo ah laba jirro la kala yiraahdo Jaga iyo Kalia ayaa lagu sameeyey qalliin qaatay 16 saacadood, waxayna iminka ku jiraan qaybta dadka u baahan daryeelka aadka u sarreeya, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Koox dhakhaatiir ah oo 30 ka kooban ayaa qalliinka sameeyey, waana kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu sameeyo isbitaal ay dawladdu maamusho.

Wiilasha waxaa ka dhaxeeyey xididdada dhiigga iyo xuubka maskaxda, waana xaalad dhif iyo naadir ah oo lagu arko mid ka mid ah seddexdii malyan ee ilmood ee dhasha.

Agaasimaha machadka caafimaadka Sayniska ee India, Randeep Guleria, ayaa u sheegay Press Trust of India in “18-ka maalmood ee soo socda ay muhiim u yihiin xaqiijinta guusha qallinkaas”.

Mataanahan oo ka soo jeeda tuulo ku taalla gobolka bariga ee Orisa, ayaa isaga dhagganaa madaxa – xaalad luqadda cilmi sayniska lagu yiraahdo craniopagus.

Xataa ka hor qalliinka waxay ka soo gudbeen marxalado adag. Carruurta sidaas ayagoo iskugu dheggan dhasha ayaa 50% dhinta 24 saac gudahood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

“Labada ilmoodba waxay qabaan xanuunno kale. Jaga wuxuu ka xanuunsanayaa wadnaha, Kalia-na kelyaha” ayuu yiri Dr A K Mahapatra oo ku takhasusay cudurrada ku dhaca maskaxda.,

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in caqabadda shaqadooda ka hor timid ay tahay “sidii loo heli lahaa maqaar lagu daboolo labada dhinac ee maskaxda labada ilmood, ayadoo qalliinku sababay daloollo waaweyn oo madaxyadooda ka samaysmay”.

“Haddii mataanaha ay qalliinka ka kacaan, tallaabada xigta waxay noqonaysaa in dib u dhis lagu sameeyo lafaha madaxyadooda” sidaa waxaa yiri Maneesh Singhal oo ah dhakhtar yaqaanna qalliinka balaastigga.
Qalliinkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey 28 Agoosto, markaasoo dhakhaatiirtu ay abuureen xididdo marinno kale kale maraya oo aan ahayn kuwii ka dhaxeeyey, kuwaasoo dhiigga ka keenaya maskaxda, kuna soo celinaya wadnaha.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...