Israa’iil oo nin Carab ah ku maamuustay abaalmarinta ugu sarraysa

Date:

Qofkii u horreeyay ee Carab ah ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay Israa’iil bixiso, isaga oo ku mutaystay in uu badbaadiyay Yuhuud intii uu socday xasuuqii Holocaust ee Nazi-ga.

Maxamed Helmy oo dakhtar reer Masar ah ayaa qariyay haweenay Yuhuudad ah caawiyayna qoyskeeda oo Baarliin ku noolaa, halkaas oo uu ku noolaa kana shaqeeyay dagaakii labaad ee adduunka ka hor.

Dadkii ka farcamay Dr Maxamed oo dhintay 1982 ayaa la gudoonsiiyay abaalmarintan oo xalfadeeda lagu qabtay magaalada Baarliin.

Dad lagu qiyaasay 70 ruux oo Muslimiin ah ayaa ka mid ah 26,500 oo ruux oo aan Yuhuud ahayn oo ay Israa’iil u aqoonsatay badbaadiyeyaal.

Maxamed Helmy ayaa Baarliin dagay 1922 halkaas oo uu ku bartay dakhtarnimo kana shaqeeyay isbitaal ku yaalla.

Isaga laftirkiisa ayaa cunsurinimo la kulmay markii ay Nazi-yiintu talinayeen, shaqadiisa ayuu waayay, labo jeer ayaana la xiray.

Markii ay sare u sii kacday waxyeelooyinkii Yuhuudda loogu gaysanayay Jermalka ayuu Dr Maxamed qariyay Anna Boros oo ahayd 21 jir bukaankiisa ka mid ahayd.

Wuxuu maareeyay in uu ka qariyo booliiska dharcadda ah oo uu hoy siiyo, wuxuuna caawiyay hooyadeed, ninka hooyadeed qabay iyo ayaydeed tan iyo intii uu dagaalku ka dhamaanayay 1945tii.

Waa dambe ayay qortay Anna Boros “Dr Maxamed waxyaabo badan ayuu ii qabtay isaga oo ay ka tahay naxariis qalbigiisa ka soo go’day, waligayna abaal ayaan uga hayn doonaa.”

Dr Maxamed waxaa aqoonsadau Yad Vashem oo ah meel qaran oo Israa’iil ay ku xasuusato xasuuqii Holocaust, sannadkii 2013kii.

Abaalmarintiisana waxaa la gudoonsiiyay Nasser Kotby oo uu waalid labaad u yahay oo isaguna dakhtar ka ah safaaradda Israa’iil ee Baarliin.

Gabadh ay dhashay Anna Boros ayaa iyadana ka timid magaalada New York si ay u maamuusto xalfadda loo qabtay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...