Baarlamaanka gobolka Catalan ayaa cod uu qaaday waxa uu isku raacay inuu xor ka yahay dalka Spain kadib markii dowlada Spain ay u muuqato in ay ku soo rogeyso xukun toos ah.
Codbixinta ay ku dhaqaaqeen baarlamaanka Catalan ayaa waxaa ka soo horjeestay oo qaadacay mucaaradka MPs balse waxaa ay codeyntu ku dhamaatay 70-10. Ra’iisul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa hore ugu sheegay senatarada in loo baahan yahay xukun toos ah lagu soo rogo Catalonia si sharciga,dimuqraadiyada iyo xasiloonida dib loogu soo celiyo.
Shaqaaqadan ayaa bilaabatay kadib markii Catalanska ay taageereen xornimo afti ka dhalatay khilaaf oo horaantii bishan ka dhacday Catalonia. Dawlada Catalan ayaa sheegtay in boqolkiiba 43% ay ahaayeen dadka u soo baxay aftida iyadoo boqolkiiba sagaashan ay u codeeyeen xornimo, balse maxkamada dastuuriga ee Spain ayaa doorashadan ku sheegay sharci darro.
Mooshin la horgeeyay baarlamaanka Catalonia ayaa toddobaatan xildhibaan waxa ay ku codeysay Haa halka toban ay ka soo horjeesatay labana ay ka aamuseen iyadoo Baarlamaankuna uu ka kooban yahay 135 kursi. Ra’iisul wasaaraha Spain Mr Rajoy ayaa si deg-deg ah ugaga jawaabay isagoo ku baaqay in dadka is dejiyaan lana soo celin doono sharciga Catalonia.
Senatka Spain ayaan weli u codeyn in marka ugu horeysay la dhaqan geliyo Qodobka 155aad ee dastuurka Spain kaasoo siinaya awood dowlada ayna tallaabo walba u qaadi karaan inay ku qasbaan gobol ka mid ah Spain oo shaqaaqo ka bilaabata. Sharcigan ayaa u fasaxaya xukuumada Madrid in shaqada ay ka eriso hogaamiyaasha Catalan oo ay la wareegto dhaqaalaha gobolka,ciidamada Booliska iyo warbaahintaba.