Haweenka Oo Xukuumada Sucuudiga Ugu Baaqay Inay Ragga Waajib Kaga Dhigto Inay Guursadaan In Laba, Saddex Ama Afar Dumar Ah

Date:

Muddooyinkan dambe waxa kor usii kacayay tirada haweenka ku dhaqan Dalka Sucuudiga, sidaasi awgeed ayey xukuumada Dalkaasi ka codsatay ragga ku dhaqan Dalkaasi inay guursadaan dumar dhawr ah sida ay diinta Islaamku u bannaysay ragga muslimiinta ah Hal ilaa afar dumar ah, guurka dumarka ayaa Ilaahay SWT inoogu sheegay Qur’aanka Kariimka ah waxaanu Ilaahay SWT arrintaasi shardi kaga dhigay in qofka sameeyaa uu ilaaliyo caddaaladda iyo sinaanshaha dumarkiisa dhawrka ee uu qabo, sidoo kale Ilaahay SWT waxa uu ragga ku amray in ninkii aan awoodin inuu u caddaalad sameeyo dumarkiisa inuu ku ekaado oo oo kaliya inta uu caddaalad samayn karo, taasoo  macnaheedu yahay inuu hal haweenay oo kaliya uu guursado waa haddii aanu awoodin.

Haweenka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday olole ka dhan ah arrintaasi waxaanay ku doodayaan in arrintani aanay noqon mid ragga la dooransiiyo, balse ay xukuumada qasab kaga dhigto ragga, dareenkaasi oo muran aad u ballaadhan ka dhaliyay gudaha dalkaasi ayey haddana haweenku xukuumada ka dalbanayaan in si degdeg ah loogu amro ragga .

Arrintan ayaa noqotay tii ugu badnayd ee Dadka ku dhaqan dalkaasi ay toddobaadkan ku qaadaa dhigaan baraha bulshada, badi bulshada u dhalatay dalkaasi ayaa kasoo hor jeeda, laakiin xukuumada  ayaa ilaa  haatan jawaab ka bixin codsiga haweenku soo jeediyeen.

Haweenka ayaa si aad ah ugu ololaynaya waxaana ugu cadcad haweenayda magaceeda la yidhaahdo Um Narjis oo had iyo jeer baraha bulshada ku faafisa qoraalo ay arrintani ku dhiiri galinayso, guud ahaan dalkaasi Sucuudiga ayaa waxa muddooyinkan dambe ka taagan isbedelo kala duwan oo ka dhan ah haweenka dalkaasi, balse arrintani ayaa laga cabsi qabaa inay khilaaf ka dhex abuurto maadaama oo ay tahay mas’alad diini ah oo Ilaahay cadeeyay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...