Mujaahid Cali Guray Oo kamid ah masuuliyiinta xisbiga talada haya ee kulmiye ayaa is barbar dhig ku sameeyay musharixiintii kursiga jagada madaxwayne doonayay in ay ugu tartamaan xisbiga kulmiye, kuwaas oo qaarkood ka cadhoodeen xisbiga kuna biireen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanu intaas raaciyay in Ragaasi ay ahaayeen kuwo hankoodu aanu dheerayn, Cali Guray ayaa arrimahaas kaga hadlay khudbad uu maalintii shalay ka jeediyay Magaalada Gabiley,isagoo ka mid ahaa masuuliyiin xisbiga ka tirsan oo taageerayaal tiro badan dabaal dega ololaha kagala qayb galay Fagaaraha Beerta Xorriyada Ee Magaalada Gabiley.
Mujaahid Cali Yuusuf (cali Guray) oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waa laba, mid waxa uu taagan yahay Aniga ayaa madaxweyne doonayey laakiin murashaxnimadii waxa helay Muuse oo markaa inaanu dalka madaxweyne ka noqon ayaan u tegay Waddani kaa miyaa wax ka aqbalaysaan, walaalkay cabdicasiis ayaa kaga xaq lahaa oo xisbiga aasaasay oo Muuse Biixi uga horreeyey hadana waxa ay taladiisu noqotay inuu Muuse Biixi taageero anigu kaasaan u aqaanaa nin rag ah, waxaan aad uga xumahay Maxed Biixi yoonis oo aynu aad ugu wada han waynayn oo sodon sanno in ka badan ka soo shaqaynayey hay’addaha caalamiga ah iyo Baananka ka soo shaqanayey oo aan anigu Muuse Biixi uga Eexday oo aan islahaa waa ka ugu haboon ee malaha wax hagi karaya inuu arday u noqdo Inan yar oo wasiir ah oo Xirsi la yidhaahdo oo uu yidhaahdo warka uu Xirsi ii keenayey ayaan ku go’aan qaatay oo aan waddani ku tegay, taasi waxa weeyaan waxu arday u yahay oo Xirsiyoolajiga u dhiga Xirsi, cilmiga Xirsiyoolajiga la yidhaahdaana waa cilmi xun oo aad looma barto”.
Cali Guray waxa uu intaasi Raaciyay “Maaha waxa maanta Muuse Biixi I raaciyey qab yaalad Aniga oo soddon sanno ka soo horejeeday waxa maanta I raaciyey badbaadada qaranka , nimanka reer gabiley ee halkaas waddani tagay ee mabda’a ku raacay xisbiga waddani waan ixtiraamayaa waxaana kow ka ah Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde waanan ixtiraamayaa waana nin xisbi yahan ah, laakiin ninbaa isaguna waxa uu igu leeyahay oo aan igala xishoonayn idinkana aan idinkala xishoonayn oo leh ninkan isku reer ayaanu nahay oo wasiir isiin maayee kaas ayaa isiinaya wasiir, ma kaas ayaa lagu aamini karaa masiirka umaddeena” ayuu yidhi Mujaahid Cali Yuusuf Maxamed (cali Guray).