Somaliland: Wefti ay Hoggaaminayso Guddoomiyaha Garabka Haweenka Heer Qaran ee KULMIYE Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Daarasalaam iyo Deegaanno Hoos Yimaadda, Xafiisyo Cusubna Xadhigga Ka Jaray

Date:

Wefti ballaadhan oo katirsan xisbiga KULMIYE, Islamarkaana ay hoggaaminayso guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Daarasalaam iyo deegaanno hoos yimaadda oo duleedka waqooyi kaga beegan caasimadda Hargeysa iyo deegaanno hoos yimaadda.
Weftiga ay hoggaaminayso guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye oo ay xubno ka yihiin wasiirka caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, xubno kamid ah masuuliyiinta haweenka ee degmooyinka gobolka Maroodijeex, masuuliyiinta degmada Daarasalaam iyo xubno kale, ayaa ugu horrayn socdaalkooda ka bilaabay deegaannada Balliga Cas, Illinta, Horo-haadley, Geed-deeble, Daarasalaam iyo Biyaha Shiinaha oo dhammaantooda hoos yimaadda degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE leeyahay, iyada oo xafiisyo cusubna xadhigga laga jaray.
Deegaanka Balliga cas oo ay weftiga socdaalkooda ka bilaabeen, ayaa ugu horrayn si diirran loogu soo dhaweeyey, iyada oo xafiisyo cusub halkaas laga furay, waxana ay uga sii gudbeen deegaanka Illinta oo dhinaca Waqooyi kasii xigtana weftiga si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.
Deegaannada Horo-haadley iyo degmada Daarasalaam, ayaa weftiga si laxaad leh loogu soo dhaweeyey, waxana munaasibad weftiga lagu qaabilay ka hadlay salaadiinta, waxgaradka, cuqaasha, dhallinyarada iyo Haweenka deegaannadani halkaas ka jeediyeen hadallo ay ku muujinayaan taageerada ay KULMIYE u hayaan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin baaxad leh ka qaataan guul uu xisbiga KULMIYE kasoo hooyo doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha degmada Daarasalaam Md. Cabdikariin Cali Maxamuud oo madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in shacabka ku dhaqan degmada Daarsalaam iyo deegaannada hoos yimaaddaa ka siman yihiin taageerada ay KULMIYE u hayaan.
Xubno kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka degmada Daarsalaam oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa caddeeyey inay deegaan ahaan taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, isla markaana ay ku qanacsan yihiin waxqabadka xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Intaas kadib waxa weftiga ay hoggaaminayso guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye u jihaysteen dhinaca deegaanka beerashada hodanka ku ah ee Geed-deeble oo ay kusoo dhaweeyeen taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE halkaas ku leeyahay.
Weftiga oo ay wehelinayaan waxgaradka iyo hormoodka deegaanka Geed-deeble, ayaa goob fagaare ah kala hadlay shacabka ku dhaqan halkaas, waxana intaas kadib ay weftigu shacabka la wadaageen hadhimo-sharafeed heerkeedu sarreeyo oo lagu maamuusay, waxana ay si weyn uga mahadceliyeen taageerada laxaadka leh ee ay KULMIYE u muujiyeen.
Ugu dambayntii waxa weftiga si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Biyo-shiinaha oo u dhexeeya Geed-deeble iyo Hargeysa, waxana ay guddoomiyaha garabka haweenka KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye halkaas xadhigga kaga jartay xafiisyo cusub oo uu xisbigu ku yeelan doono deegaankaas.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...