Iraq: Kirkuk oo ay Dagaalo ku dhexmarayaan Ciidamadda Ciraaq iyo Kurdiyiinta

Date:

Waxaa soo yeertay isku dhacyo dhex maray Ciidammada Ciraaq iyo dagaalamayaasha Kurdiyiinta Ciraaq, ka dib markii ay Baqdaad ciidammo u dirtay deegaannada ay Kurdiyiintu gacanta ku hayaan ee gobolka Kirkuk.

Telefishinka dawladda ayaa ku warramay in ciidammada Ciraaq ay la wareegeen gacan ku haynta deegaammada qaar, kuaas oo ay ku jiraan goobo shidaalka laga soo saaro “iyaga oo aan wax dagaal ah dhicin” laakiin masuuliyiinta Kurdiyiintu way diideen jiritaanka arrintaas.

Waxaa la sheegay in gantaallo la isku waydaarsaday koonfurta magaalada Kirkuk.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda waxayna ku baaqday in wadahadal “uu yahay sida ugu wanaagsan ee xaaladda lagu dajin karo”.

Waxaa sare u kacay dareenka ka dhex taagan labada dhinac, arrintaas oo salka ku haysa mustaqbalka Kurdiyiinta Ciraaq ka dib markii ay madax bannaani u codeeyeen aftidii bishii Sabtembar.

Ciraaq ayaa doonaysa in ay dib ula wareegto saldhigyada ciidammada cirka iyo goobaha shidaalka soo saara ee dagaalamayaasha Peshmerga ee Kurdiyiinta gacanta u galay 2014kii markaas oo milatarigii Ciraaq dumay, Kooxd isku magacawda Dawladda Islaamkana ay dhul badan qabsatay.

Kirkuk kama tirsano ismaamul goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...