Britain: Haweenay Aalada Internet-Ka Jaceyl Lagaga Abuuray, Lacagna Lagaga Dhacay Kadibna Xabsi Ku Muttaysatay !

Date:

Haweenay u dhalatay Dalka Britain ayaa waxay ku dhacday qalad aad u weyn kadib markii ay aalada Internet-ka ku baratay nin u sheegtay inuu ka mid yahay ciidammada Maraykanka, haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Pamela Warring da’deeduna tahay 54 jir.

Sidaa waxa lagu shaaciyey wakaaladaha wararka ee Dalkaasi Britain oo Wargeyska Himilo soo tarjumay, in ninka haweenaydaasi jeclaatay uu u sheegtay magaca Eric Lopez  haweenaydan ayaa waxay saacado badan ku qaadan jirtay Internet-ka si ay ula sheekaysto ninkaasi, kadibna waxay ninkaasi u qaaday jaceyl, iyada oo ninkan ay jeclaatay aan arag, sidoo kalena ninkaasi u sheegtay magaca Eric Lopez ayaa markii uu xaqiiqsaday inay haweenaydani jeclaatay ayaa waxa uu ka codsaday inay usoo dirto lacag uu u baahanyahay, Pamela ayaan xilligaasi aan haysan wax lacag ah, waxaanay ku dhaqaaqday tallaabo aad u layaab badan oo ah inay lacag dhan 660 kun oo Dollar ay usoo xaday, Pamela ayaa lacagtii ay soo xaday u xawishay ninkaasi ay jeclaatay, laakiin muddo yar oo kooban kadib ayaa waxa Pamela loo xaqiijiyay in aanu magacaasi ahayn magac jira sidoo kalena aanu ka mid ahayn ciidammada Maraykanka ee uu u sheegtay, balse uu ka mid yahay tuugada dadka ku dhaca iyaga oo adeegsanaya aalada Internet-ka.

Intaasi kadibna, Pemala ayaa loo taxaabay xabsiga,  sidaana waxay ku weyday shaqadeedii ay haysay oo sida la sheegay ay lacagtaasi ka soo xaday, tuugada Internet-ka ayaa muddooyinkan dambe soo badanaysa taasi oo dad badan oo ku nool Dunida lagu dhaco hantidooda.

Dadka hantidooda la dhaco isla markaana loo adeegsado Aalada Internet-ka si loo dhaco ayaan awood u lahayn inay soo helaan qofkaasi hantida ka dhacay, balse Haweenaydan 54 jirka ah ayaa waxay hal mar khasaartay jaceyl aan jirin oo ay isa siisay iyo hantidii ay soo xaday iyo inay weydo shaqadeedii ay nolasheeda ku maarayn jirtay.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...