Australia: Diyaarad AirAsia oo ay cabsi soo wajahday iyada hawada maraysa

Date:

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee AirAsia oo ku sii jeeday Indonesia ayaa ku qasbanaatay in ay dib ugu laabato Australia ka dib markii ay duuliyeyaashu sheegeen in ay cilad soo wajahday, sida ay saraakiisha garoomadu sheegeen.

Duulimaadkan oo magaciisu ahaa QZ535, ayaa ku sii jeeday jasiiradda Bali ee dalka Indonesia, waxayse dib u laabatay markii ay hawada ku sii jirtay 25 daqiiqo Axaddii.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus A320, oo ay saarnaayeen 151 ruux ayaa si nabad ah u dagtay garoonka diyaaradaha ee Perth Airport.

Shirkadda diyaaradaha ee AirAsia ayaa sheegtay in duulimaadka ay soo wajahday “cilad farsamo”.

Muuqaal laga duubay diyaaradd oo ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa muujinaysa qalabka lagu neefsado oo diyaaradda ka laadlaada iyo qof rakaab ah oo qaylyaya.

War qoraal ah oo ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay “in ay ka go’antahay” ammaanka rakaabkooda. Balse faahfaahin kama aysan bixinin ciladda soo wajahday diyaaradda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...