“Saxaafadda Waxaan Ka Codsanayaa Dadka Qaarkood Habeenkii Ha Waraysanina, Ninkaas Suldaanka Ahna Ehelkiisu Waxa Uu Ku Hadlayo Ha Uu Soo Habeeyaan” Cali Mareexaan
Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ka jawaabay eedaymo uga yimi suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, kuwaasoo la xidhiidhay dhul xabaal ah oo uu suldaanku sheegay inuu wasiir Cali Mareexaan iibiyey.
Wasiirka ayaa inkastoo uu eedahaas iska leexiyey isla markaana uu beeniyey hadalka suldaanka waxaase hadalka wasiirka ka muuqato ixtiraam darro, isagoo sheegay in suldaanku aan habeenkii waxba laga dhagaysan, warna laga duubi karin.
Hadalka Wasiirka oo u muuqday mid anshaxa masuulnimo, muslinimo iyo ka suldaanimo inta ka madhan ayaa xusay inuu haysto cadaymo uu eedaha suldaanka ku burinayo, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay wasiir Cali Mareexaan:
“Nin la yidhi waa suldaanka guud ayaa xalay oo dhan hadlayay habeen ka sii horraysay wuu hadlayay mar hore Faysal baa hadlayay dadkuna waxay iska jecel yihiin inay had iyo jeer xukuumadaha dhaliilaan laakiin Eeriboodhka Hargeysa miyaynu qaybsanaa mise Eeriboodh buu ahaanayaa weeye inta la isku hayaa? 5 KM ayaa Airporta dhinaca waqooyi ka xigta madaxwaynuhu digreeto ayuu soo saaro wuxu yidhi dhinaca koonfureed looma soo dhaafi karo 1.5 KM siyaasi iyo suldaan iyo nin magac leh baa habeen walba qaylinaya marka la yidhaahdo ka daaana wuxu odhanaa wasiirbaa dhulkii boobay. Ta kale saxaafadda waxaan ka codsanayaa dadka qaar habeen badhkii ha waraysanina, nin Suldaan ah (Suldaanka guud) ayaa hadlayay wuxu yidhi wasiirka hawlaha guud ayaa xabaashii Kuul Gadiid iibiyey madaxwaynaha waxaan ka codsanayaa inuu wasiirkaas xabaasha ka qabto, waxaan saxayaa cabasho ayaa noo timi dad muwaadiniin ah baa noo yimi waliba dadka ehelka ah ee ka soo jeeda magacaas la sheegay waxay nagu yidhaahdeen xabaasha halkaas ah meel ku dhaw dad shicib ahbaa la siiyey waa lagu soo durkay wasaaradda hawlaha guud wax haka qabato, waxaanu isu nimi wasiirka arrimaha gudaha waxaanu la hadalnay badhasaabka Berbera iyo Maayirka Berbera waxaanu ku nidhi dhulkaas iyo cabashadaas ka warama? wuxuu yidhi dhulku xabaasha uma dhawa maamulkii iga horeeyey ayaana fayl sameeyey waxaanu ku nidhi cabasho ayaa ka timi waa qubuurihii awawyaashii iyo ajdaadii inta la isugu imanayo ee lakala xadaynayo waxaa la idin amrayaa inaad joojisaan, qubuul bay yidhaahdeen iyana way joojiyeen, markaanu sidaas uga hawlgalaynay dadkii cabanayay oo dhani way nala joogeen xukuumadda oo dhana way nala joogtay ninka habeen badhka kacay ee qaylinaya ee leh wasiirbaa bixiyey waxaanu u sheegaynaa bal dadka uu suldaanka uu yahay ha saxaan oo waxa uu ku hadlayo ha habeeyaan saxaafaduna habeen badhka waraysiga ha ka dayso”.
Hadalka wasiirka ayaa u muuqda mid uu iskaga yaraynayo culayska soo kordhayay ee la xidhiidha iibka iyo xaraasha dhulka danta guud ah.