Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Camey oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa si cad uga soo horjeestay shirka uu ku baaqay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ee la filayo in uu ka dhaco Kismaayo.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu u arko mid aan wax maslax ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay isaga oo ku taliyay in dib loo dhigo shirka.
‘’Shirka Kismaayo ee Axmed Madoobe uu ku baaqay Anigga Ra’yi ahaan waxaan u arkaan shir aan wax maslaxad ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed, waxaanan ku talinayaa in shirkaa dib loo dhigo’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Camey ayaa sheegay in haddii ay jiraan shakiyo laga qabo dowladda dhexe loo baahan yahay in si toos ah loogu cadeeyo, isaga oo intaa ku darray in shacabka Soomaaliyeed marnaba jecleysan doonin habka iyo wadiiqada loo marayo shirkaa.
‘’Waxaan leeyahay wixii jira wadahadal lagu dhameeyo, haddii uu jiro shaki laga qabo dowladda Soomaaliya waa in ay madaxdu wada hadashaa oo madmadowga jira dhameeyo’’ ayuu yiri C/xakiin Camey.
Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa imanaya xili dhinaca kale madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in maamulkiisu soo dhaweynayo ka qeybgalka shirka Kismaayo.