Deg Deg: Farmaajo Oo Sheegay Inu Quus Ka Taagan Yahay Arrimaha Siyaasada Dalka Somaliya Iyo Khilaafka Khayre Ka Dhex Qaraxay Durba

Date:

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo khudbad ka jeedinayay maalintii shalay munaasabad kooban oo uu ku saxiixay sharciga Isgaarsiinta, waxaa uu dhinaca kale uga hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo.

Maxweynaha ayaa sheegay xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre mas’uul ka tahay arrimaha Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka oo ay tahay in looga danbeeyo.

‘’Xukuumada waa ay mas’uul ka tahay arrimaha Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaallaha dalka oo muddo hadda laga joogo 6 bilood iyo Labo cisho ka hor loo xil saaray, Annigu dusha sare ayaa kala socdaa howlaha ay qabaneyso xukuumada oo haddii ay wax qaldamaan waan kula xisaabtameynaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in muddadii uu jirtay xukuumada wax badan la soo maray iyo caqabado sida uu hadalka u dhigay ay cashar ka barteen.

‘’Dowladnimadu waa wax adag oo u baahan in ay la maamulo meel kasta fiiriya dowlad kasta oo aduunka ah soo qaata, marka Annaga muddadii Lixda bilood aheyd ee aan jirnay wax waan soo marnay laakiin marka uu qofku socod baranayo heerar kala duwan ayuu soo maraa sidaa daraadeed in dhibku noo soo hormaro weyn noo wanaagsan tahay waayo waan ku Ad-adkaaneynaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili khilaaf adag oo dhinaca siyaasada uu soo kala dhaxgalay maamul gobolleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe oo isku haya cida mas’uul ka ah arrimaha siyaasada dalka oo dhinac walba gaar u sheeganayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...