Socdaalkan Ayaa Ku Soo Beegmaya Iyadoo Madaxwaynuhu Mamnuucay In Loo Adeegsado Gaadiidka Dawladda iyo Warbaahinta Qaranka Olole Xisbi
Afhayeenka Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Xasan Gaafaadhi ayaa qiray in shirkii beelaha Biciide lagaga adkaaday xisbigiisa oo doonayay inuu saamayn muuqata ku yeesho.
Xasan Gaafaadhi ayaa sheegay inay in badan ku dedaaleen inay shirkan fara-galin ku yeeshaan siyaasiyiinta beesha ka soo jeeda ee shirka joogtay, waxaana uu sheegay inay madax-dhaqameedku arrintaas is hortaageen isla markaana loollan kadib ay aqbaleen inuu shirku noqdo mid siyaasad ka madax banaan.
Waxaana uu Xasan Gaafaadhi hadalkaasi ka qiray mar uu khudbad ka jeediyey xidhitaanii shirkii beelaha Biciide Yoonis (Habar-jeclo), isagoo arinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Raggii siyaasiyiinta ahaa ee beesha ka tirsanaa goobtana ku sugnaa waanu jeclayn inaanu wax noo gaar ah ka helno, muddo badan baanu isla gal-galanay madax-dhaqameedka waa nalakaga adkaaday waxayn noqotay shirkaasi inuu noqdo shir dhaqan oo ka xidhan siyaasadda, maanaan jeclayn laakiin waxaan ku faraxsanahay inay taladoodu naga wanaagsanayd oo ay sidan ku qurux badan tahay”.
Geesta kale saraakiisha sare ee xisbiga KULMIYE iyo kaadirka xisbigaas ayaa madaxwaynaha Somaliland ka codsaday inuu ka taageero sidii uu xisbigu cudud uga heli lahaa saddexda gobol ee bariga Somaliland.
Kaadirka KULMIYE ayaa sida la sheegay madaxwaynaha u gudbiyey codsi ay kaga doonayaan inuu inta ololaga ka horaysa uu u raaco gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer waxaanay arrintani ka dambaysay kadib markii uu xisbiga WADDANI dhoolatus ka sameeyey degmooyin ka tirsan gobolka Togdheer.
Ugu dambayn codsigan madaxda KULMIYE ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu Madaxwaynuhu dhawaan mamnuucay in gaadiidka iyo hantida qaranka loo adeegsado ololaha gaarka ah ee xisbiyada, iyadoo uu madaxwaynuhu isaga iyo xukuumadiisu socdaal ku tegi karaan gobol kasta oo dalka ka mid ah hadana haddii uu gacanta qabto ama uu safarkiisa ku weheliyo murashaxa madaxwayne ee KULMIYE waxay u muuqan doontaa olole badhax tiran kaasoo ka hor iman doona digreetadii uu dhawaan uun soo saaray..