Somalia: Turkiga oo maanta oo Muqdisho ka daah furaya saldhig military oo casri ah

Date:

Saldhiggan oo noqonaya kii ugu ballaarnaa oo laga dhiso meel ka baxsan dalka Turkiga ayaa waxaa mar kaliya lagu tababari karaa 1500 oo Askari sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga

Munaasabada furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeybgallaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, taliska military Turkiga, saraakiisha ciidamada AMISOM ee nabada ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha guud ee ciidamada military –ga dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hulusi Akar oo maanta ka qeybgali doona munaasabada furitaanka xaruntan military.

Saldhiggan military ayaa saaran cirifka deegaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho waxaana uu kulaalayaa badweynta Hindiya isaga oo ku fadhiya dhul dhan 4km oo isku wareeg ah, iyadoo mar kaliya ay seexan karaan 1500 oo askari iyo ciidamada kale ee ilaalada ka ah xarunta military.

Sidoo kale Saldhiggan ayaa leh garoomo lagu cayaaro kubadda, Masjid lagu tukado Salaada,  iyo goobo lagu nasto.

Turkiga ayaa sanadihii ugu danbeeyayba ku howlanaa hergalinta mashaariic kala duwan oo wax weyn ka badalay muuqaalka iyo bilicda caasimada waxaana ka mid ah dhismaha Ex Isbitaalkii hore ee Digfeer oo hadda ka mid ah goobaha ugu qurxoon caasimada sidoo kale Turkiga ayaa ka hergaiiyay dalka dugsiyo waxbarasho iyo mashaariic kale.

Xaruntan military ee maanta laga daah furayo Muqdisho ayaa wax weyn ka tari doona qorshaha dowlada ee dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo heer Qaran kuwaa oo la filayo in ay amniga dalka kala wareegaan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...