Somalia: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Xadhigga Ka Jaraya Saldhig Millatari Oo Dalka Turkigu Ka Samaysatay Magaalada Muqdisho

Date:

Madaxweynaha dalka Soomalaiya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu xadhigga ka jaro Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar oo shalay soo gaadhay Muqdisho ayaa la sheegay inay si wadajir ah ay u furi doonaan saldhigga milateri ee uu Turkiga ku tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Saldhiggan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana dhismaha saldhiggan ku baxay malaayiin dollar.

Waxaa lagu wadaa in lagu xareeyo ciidamo gaadhaya illaa 1,500 askari, halkaasoo lagu tababari doono, saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horeysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro ciidamo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, iyadoo la xidhay waddooyinka, halkaasoo la dhigay ciidamo milateri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...