Dhacdadii Dhabta Ahayd Ee Dhawaan Ka Dhacday Qoryaale Qoyskii Kulmiye Isu Diiday Ee waddani Isu Meheriyay Iyo Xiisihii Ku ladhnaa Habeenkii Arooskooda.
Markii Reerkoodu Ogaadeen Inuu Gabadh Lasoo Tagay, Ayna Joogta Mid Kamida Guryahooda, Waxaa isla markiiba lagu wargeliyay Caaqilkii iyo odayaashii kaleba in wiilkii Xamse uu Xalay lasoo Tagay Gabadh uuna doonayo in loo meheriyo, loona Dhiso.
Balse jawaab aanu ka filanayn ayuu wiilkii kala kulmay odayaashiisii oo ahayd, “Waxa tahay kamid tahay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ilaa aad kasoo baxdo oo aad faraha ka qaado xisbigaas mucaaradka kana mid noqoto taageeraayaasha Kulmiye Mooyee, Gabadhna laguu dhisi mayo cidina kuu meherin mayso”
Arintaasi way ku adkaatay wiilkii doonayay inuu maalmo kadib caruus noqdo, waayo wuxuu kamid yahay taageerayaasha Afku xooglaha ah ee xisbinimadu ay dhiigiisa Raacday ee waddani aad utaageera ugana ololeeya Degmada Qoryaale, isagoo yaaban oo gabadhiina dhawr Jeer laga soo reebay ayuu maalintii danbe gabay qiimo leh ka jeediyay madal ilayrtu isqabatay oo gudoomiye Cirro iyo hogaamiye xirsi iyo wafti kale oo balaadhan lagu soo dhaweynayay Degmada Qoryaale.
Gabaygaa aadbay ula khusuuceen masuuliyiintii Mucaaradka iyo dadkii madasha joogay, wax yar ka dibna waxa uu hoos ugu waramay Xirsi iyo kooxdiisii qisadii dhexmartay isaga iyo qoyskiisa oo u sheegay in dhawr jeer reerkoodu ka celiyeen gabadh uu lasoo tagay, kuna xidhen shuruuda ah inuu wadani ka baxo.
Hogaamiye Xirsi ayaa isla maalintaaba gaadhigiisa kusoo qaaday wiilkii Subuxiina usoo geed fadhiistay halkaasna ugu meheriyay kuna dhisay Qoyskaa,
Isla habeen hore oo ku beegnayd 27/09/2017 waxa arooskoodu ka dhacay degmada qoryaale, xiisaha ku ladhnaa arooska ayaa ahayd in ku aqalgaleen Guri uu Xisbiga Waddani Kiraystay oo xafiis u ahaa, sidoo kalena caruusku waxa uu ku labisnaa Suudh cas oo midabka calanka Xisbiga waddani u eeg, sidoo kalena agabka guriga cusub lagu dhisay sida Daahyada, Fadhiga iyo sariirtuba waxay wada ahaayeen midabkaas casaanka Ah.
Qoyskaas Cusub sidaas ayuu ku dhismay ayna ku aqalgaleen Xamse iyo Suleekha,
Ilaahay Ha Isukiinbarakeeyo, Isku Waara, Ubad khayr qabana Alle ha idin siiyo Aamiin Aamiin Aamiin