Somaliland: Ciidammada Booliiska Oo Shalay Dhirbaaxo Ku Dhuftay, Dad Rayid Ah Oo Isku Dayey Inay Sharciga Gacmahooda Ku Fushadaan

Date:

Saddex Qof oo midkood Askari Booliis ah yahay, ayaa ku dhaawacmay Iska Hor-imaad Shalay Subaxdii hore ka dhacay Magaalada Boorama, kaasi oo u dhexeeyay Ciidammada Booliiska iyo Dablay diiddanaa in la dhiso Dhul muran ka taagan yahay oo Magaaladaa ku yaalla.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka AWDAL, ayaa Warbaahinta u sheegay in Dablay hubaysan ay Weerar ku qaadeen Dhul ay hore ugu muransanaayeen laba Qoys, balse ay dhisme ka bilaabeen Qoys ay Dawladda hoose ee Boorama u sharciysay, iyagoo doonaya inay joojiyaan dhismaha halkaasi ay ka bilaabeen Qoyska loo sharciyeeyey, markaasi ka dibna ay Booliisku oo halkaa tagay uu iska Hor-imaad dhex maray Dableydii, taasina keentay in Laba ka mid ah Dableyda iyo Askari Booliis ahi dhaawacmaan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka AWDAL oo Arrimahaa Saxaafadda uga warramay ayaa yidhi “Saaka 7-dii Subaxnimo (Shalay) soo gaadhay War-bixin ah laba dhinac oo isku haya Dhul, oo dhinac loo fasaxay uu dhisanayo, dhinacna Qolo budhcad ah oo hubaysan ay Qoryo la galeen Guryo. Ka dib markii Booliiska markii War-bixintaasi soo gaadhay si deg-deg ah ayuu uga hawl-galay, waxa dhaawac ah Laba Iyagii ka mid ah (Kooxda Dableyda ah) iyo Askari Booliiska ah, dhaawacooduna wuu sahlan yahay, ILAAHAYNA ha caafiyo.”:

Taliye Gacmo-yare waxa kale oo uu sheegay “Nabadgalyadu way deggan tahay, waxaana Gacanta ku haya Ciidanka Booliiska.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo isaguna dhacdadan iyo waxa sababay ka hadlay ayaa yidhi “Halkan Siyaasadi kuma jirto, ee waxay ahaayeen laba Qoys oo dhul isku haya, oo Qoysna uu Sharci haysto, Qoysna aanu Sharci haysan. Markaa Hay’adaha Amnigu wixii Amaan Xumo keenaya inay Gacanta ku qabtaan Xaq-bay u leeyihiin, Nabadgalyaduna waa taam..”

Iska Hor-imaadka dhex maray Ciidammada Booliiska iyo Dableyda Hubaysan ka dib, waxa dibad-bax Rabshado watay dhigay Dad u badnaa Dhallinyaro, kuwaasi oo taayiro ku gubay mid ka mid ah Waddooyinka Magaalada Boorama.

Maamulka Gobolka, ka degmada iyo Taliska Booliiska kamay hadal Mudaharaadka ay dhigeen Dhallinyarada Waddooyinka ku gubay Taayirrada, kuwaasi oo loo malaynayo inay ka soo jeedaan Jilibka Qoyska diiddan in la dhiso Dhulka Dawladda Hoose sheegtay in Cid sharci haystaa dhisanayso.

Ugu dambayn, Sannadkii u dambeeyey waxa aad ugu soo badanaya Magaalada Boorama Murannada ka dhasha Dhulka, waxaana Dhulkan Sababay iska Hor-imaadka ka horreeyay, mid ay isku qabteen Badhasaabkii hore ee Gobolka AWDAL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, kaasi oo gaadhay heer Xukuumadda dhexe faro-geliso isla-markaana uu Madaxweyne ku-xigeenka oo ku simaha Madaxweynaha ahaa uu shaqada ka joojiyo Badhasaabka, kaasi oo markii dambe uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u Magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, halka uu Badhasaabka Gobolka AWDAL-na u Magacaabay Badhasaabkii hore ee Maroodi-jeex Mr. Cabdillaahi Gaaxnuug Buraale, inkasta oo xilliga isku beddelkani dhacay aan mar keliya la soo hadal-qaadin waxa lagu dhameeyay Dhulkii uu muranka Masuuliyiintani ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...