“Digreetadii Uu Madaxweynuhu Soo Saaray Waxa Ku Qornayd Dhulkani Kama Bixi Karo Gacanta Dawladda, Waa Nasiib-Darro In Amarkii Madaxweynaha Uu Jabiyo Wasiirkii Hawlaha Guud” Xildhiban Cabdi Aar
Toddoba Xildhibbaan oo ka tirsan gollaha deegaanka degmada Burco ayaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud ku eedeeyay in ganacsato gaar ah ka iibiyay dhul dan-guud ah oo loogu tallogalay in laga dhiso mool casri ah.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in wasiir Cali Mareexaan uu si sharci-darro ah u jabiyay wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku aadanayda in dhulka guryaha booliska laga dhiso mool saddex dhabaq ah.
“Madaxweynuhu waxa uu soo bixiyay mool uu yidhi suuq ha noqdo, moolkii nashqadiisii iyo hawlihiisii waa la dhammeeyay, sidii aanu moolkii u sugaynay meshii Cali Mareexaan ayaa iibsaday, 54 bakhaar ayuu ka dhigay, dad shicib ah ayuu ka iibiyay, lix lix qol ayuu u jaray, mulkiyad muu siinin, shirkadda Najax ee dhisaysa waxa aanu u sheegay inay halkaa ay marayso ku joojiso, qoraalkiina waakaa oo waxa aanu ku saxeexnay 13 Xildhibbaan waanu dhuminaynaa waana sharci-darro” Xidhibbaan Axmed Af Yare.
“Waxa aanu ka hadlay guryihii booliska meeshii anagana la nagu dhacay ummadana lagu dhacay ee la yidhi mool ayaa laga dhisayo oo haddana laga dhigay qolol yar yar oo aan magaalada anfacayn” Xildhibaan Cabdi Laki Xasan
“Waxa aanu go’aan ku qaadanay annaga oo ah 13 Xildhibbaan in la joojiyo guryahaasi maadaama oo aanay sharci ahayn oo laga bedelay sidoodii”
“Waxa kale oo aanu ummada u caddaynaynaa digreetadii uu madaxweynuhu soo saaray ee wasiirka hawlaha guud uu u dhiibay waxa ku qornayd dhulku kama bixi karo gacanta dawladda, mana gali karo gacanta dadweynaha waa nasiib darro in amarkii Madaxweynaha uu jabiyo wasiirkii hawlaha guud” Xildhiban Cabdi Aar
“Wasiirku waxa uu ku kacay tallaabo qaran oo khaldan oo uu dawladda hoose, hawlaha iyo dawladda dhexe ku khiyaameeyay, Madaxweynaha qarankana warqadii uu soo saaray kaga foojirgareeyay oo ku khiyaameeyay, waxa la sheegaya in dad isku hayb ah oo isku dhinac ah oo isku hayb ah u gacan gashay arrintaasi, haddii ay taasi caddaato sidda aanu ku hayno caddaymaha dhulkaa dawladda ayaa la wareegaysa, tan joogtaa ayaa wax ka qabanaysa amma ta danbe ee imanaysa” ayuu yidhi Xildhibbaan Rashiif Faarax
“Ninkaasi waxa uu nagu yidhi guri mool ah ayaa idinka dhisayaa meeshaa, dawlad hoose ahaana aan idinku soo wareejinayaa, ka dib waxa aanu nidhi dee haddii ay sidaa tahay noo dhis, halkaa waxa la noogu sawiray boodh foojari ah oo guryo iso saarsaaran, amar al xaasil meeshii waxa ay u xuubsiibatay guryo yar yar oo googooyo dad ka iibsado oo uu lacag ka gurto, sidda la noo sheegay lacag afar milyan oo dollar ah ayuu ninkaasi meeshaa ka ururiyay jeebkiisa inay ku dhacdayna annagu ma hayno” ayuu Xildhibaan Shiine Faliidh oo ka tirsan xildhibbaanada golaha deegaanka degmada Burco.