Somaliland: Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Dabley Hubaysani Ku Dileen Gudaha Magaalada Laascaanood Iyo Tirada Dad Dilkan loo Xidh-xidhay

Date:

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ay dabley hubaysani ku dileen gudaha magaalada Laascaanood.

Waxaana dableydan hubaysan ay ahaayeen kuwo ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga,waxaana ay dableydani soo gaadheen Kaantaroolka magaalada Laascaanood,waxaana ay ciidamada Boolisku isku dayeen inay is daajiyana gaadhigii lagu waday Maandooriyaha Khamriga,waxaana ay dableydani markiiba rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Kaantaroolka,halkaasna waxa ku dhintay askarigaasi.

Dableydan ayaa markii ay dilka gaysteen waxay ka baxsadeen goobtii,waxaana ay ciidamada Boolisku wadaan baadhitaano ay kusoo qabqabanayaan dableydaasi.

Sidoo kalena ciidamada Booliska gobolka Sool ayaa hawl gallo ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen 8 nin oo hubaysnaa,kuwaas oo ciidamadu ay kasoo qabqabteen degmada Xidh-xidh ee gobolka Sool,waxaana lala xidhiidhinayaa inay taageero iyo caawimo siinayeen dableydan askariga dilay.

Maaha markii u horeysay ee askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Sool lagu dilo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...