Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ayaa waxay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay shalay ciidamo tiro badan oo ah ciidamada Ilaalaha Xeebaha ay gaysay xeebaha gobolka Saaxil.
Goobaha ay xukuumaddu ciidamadan gaysay ayaa waxa kamid ah xeebaha Bulla-xaar Iyo Ceel-gardi,waxaana ay ciidamadani fadhiisimo ka samaysan doonaan goobahaasi.
Ujeedada ay xukuumaddu xeebaha gobolka Saaxil u gaysay ciidamadan ayaa salka ku haysa ilaalinta xeebaha Somaliland iyo waliba sidii ay uga hor tagi lahaayeen aafada tahriibta oo dhawaan ay dhalinyaro 24 ah doonayeen inay doon ka raacaan xeebaha magaalada Berbera isla markaana ay tahriibaan kuwaas oo ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.
Tahriibka Dhalinyarada ayaa kolba waji cusub yeelanaya, waxaanay kolba Magafayaashu furayaan khad cusub oo aan hore loogu baran, si uu ganacsigooda dadku u noqdo mid aan istaagin, maadaama halaaga dhalinyaradaasi iyaga u yahay faa’iido.