Wiil Yar Oo Carqaladeeyey Hadal Madaxweyne Trump Jeedinayey !

Date:

Madaxweyne Trump oo goor ka horreysay twitarkiisa kaga hadlay dhacdadii argagixisada ee ka dhacday magaalada London, ayaa u muuqday mid ka yar nastay qoraalladiisii is-daba-yaaca ahaa ee twitarka. Waxaanu wariyayaasha kula ballansanaa aqalka cad si uu dhacdadaasi Ingiriiska uu wax uga yidhaahdo. Madaxweyne Trump, ayaa nasiib darro hadalkiisii la maqli waayey kadib markii uu codkiisii uu muquuniyay mishiinka dooga lagu simo, oo markaasi ka dhex shaqaynayay Aqalka cad.

 

Haddaba, wiilkan yare ee carqaladeeyay codkii Madaxweynuhu ma aha nin shaqaale ah oo mudakar ah oo ka mid ah shaqaalaha sida joogtada ah uga dhex adeega Madaxtooyada, balse waxay Kamaraduhu soo saareen Muuqaalka Frank Giaccio, oo ah wiil 11 jir ah, oo dirawalinaya mishiinka dooga jara oo ag maraya Madaxweynaha xilli uu islahaa saxaafadda la hadal.

Haddaba, Halkee ayuu ka yimid? Muxuu se meesha ka qabanayay?. Miyaa hawshii uu hayay lagu siiyay mushqaayad?.

Wiilkan yar oo mishiinkiisa ku shaqeysta, ayaa la sheegay inuu dhawaan Aqalka cad ka codsaday inuu jaro dooga ka baxay, kaasi oo kasoo codsaday Madaxweyne Trump inuu u suurto galiyo inuu u soo socdaalo Washigton Dc, Si uu dooga beerta Madaxtooyada ka baxay uga gaagaabiyo oo uu u qurxiyo.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Sarah Sanders, ayaa sheegtay wax yar ka hor waqtigaasi in laga aqbalay codsigii Frank, isla markaana uu qeybtiisa uu ka qaadan doono mashruucaasi, isagoo la shaqeyn doona Koox ollole ka wadda dhirta iyo dooga ka baxay beerta caanka ah ee Aqalka Cad ee magaceeda la yidhaado Rose Garden.

Waxa laga yaabay Sida uu Doog-jarahan yari, uu shaqadiisa iskaga wattay isagoo uu agtiisa ka hadlayo Madaxweynihii Dalku, ee uu dareenkiisa usiin weeyay aragtida Madaxweynaha harreertiisa taagani, una hakin waayay mishiinkii uu watey.

Arrintan uu sameeyay, madaxeynaha oo isna markuu arkay inayna suurogal ahayn inuu sii hadlo, isagoo mishiinkani ka ag guuxayo, ee uu ixtiraamay shaqadii wiilkaa yar uu ka aqbalay, ayaa iyaduna dhiirigalin iyo ixtiraam ah la siiyay koob iyo toban jirkaasi ahayd, marka laga yimaado martiqaadka ay Madaxtooyadu u fidisay ee ay kaga qeybgalisay hawshii uu kasii codsaday.

Doog-jare Franka Guccio oo ka hadlaya hawshan loo ogolaaday ayaa yidhi “Waxaan ugu yaraan idiin tusay in aan anigoo 10 jir ah, aan shaqo ka qaban karo Madaxtooyadeena, mishiinkaygana shidaal aanan ku shuban jirin ayaan kusoo shubtay, baytarigiisana waan soo dabaystay, idinkana haddaad tihiin kuwa iga da’da waaweyn ee ka shaqeeyo Qasrigoow, shaqadiina sidaan tayda uga soo baxey, uga soo baxa,  xilal muhiim ah ayaad dalka u haysaane”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...