Qiimaha Sarrifka Dollarka oo Maalmihii u dambeeyay gaadhay Halkii ugu sarreysay, ayaa hoos u soo dhacay Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay, ka dib markii uu Somaliland ka joogsaday Qaadkii uga iman jiray Dalka Itoobiya.
Boqolka Dollar ayaa Afar Maalmood ka hor Suuqyada Somaliland ka marayey inta u dhaxaysa Milyan iyo 30 Kun illaa Milyan iyo 40 Kun, laakiin Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay oo uu Somaliland ka maqnaa Qaadkii Itoobiya uga iman jiray, ayaa waxa Suuqyada Sarrifka Dollarka laga dareemayaa Hoos u dhac, iyadoo Qofka sita Shilinka Somaliland lagaga iibinayo Boqolka Dollar, Lacag dhan inta u dhaxaysa Milyan iyo 15 kun oo Shilin illaa Milyan iyo 20 Kun oo Shilin, taasi oo muujinaysa in ididiilo ah in Sicir-bararka Dollarku uu hoos u socdo.
Guddoomiyaha Sarrifleyaasha Magaalada Hargeysa Axmed Xasan Awliyo oo Telefiishanka SAAB waydiiyey waxay u malleynayaan inay sababtay Hoos u dhaca Qiimaha Sarrifka Dollarka, ayaa sheegay inay sababtay Qaadkii Itoobiya ee laga joojiyey Somaliland, maaddaama oo Shirkadihii Qaadka ee Lacagta Adag ee Dollarka suuqyada ka iibsan jiray aanu xilligan u imanin Qaadkii.
Guddoomiye Awliyo oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saddexda Maalmood ee Qaadku innaga Maqnaa Ummaddu Faa’iido ayay dareentay. Markii hore Boqolka Dollar wuxuu gaadhay Milyan iyo Soddon kun (Marka Qofku Dollarka doonayo), Saddexdii Maalmood ee u dambeeyayna maalin walba waxa ka dhacaysay Shan Kun oo Shilin, Waayo? waxa istaagtay Baahidii Shirkadaha Qaadku u qabeen Lacagta Adag ee Dollar-ka, Shacabkii waxa u baaqday Shilinkoodii, xawligii Sarrifku ku socdayna wuu istaagay.”
Mr. Awliyo wuxuu sheegay in Shantii bilood ee u dambeeyay uu xawli ku socday Sicir-bararka Dollarku “Shantii bilood ee u dambeeyay maalin walba waxa ku biirayey Shan Kun oo Shilin, imikana Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay Maalin walba Shan kun-baa ka dhacaysay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Sicir-bararka Dollarka ay saamayn ku leedahay Shaqada Dekedda Berbera oo intii lagu wareejiyey Shirkadda DP World aan si wanaagsan u soconin, maaddaama oo Ganacsatadii Suuqyada ka qaadan jiray Shilinka ay Cashuurta ku bixiyaan aanay sidii la rabay wax uga soo degin “Intii Shirkadda DP World lagu wareejiyey Dekedda Berbera ee aanay isla jaan-qaadin (Shaqadu), Ganacsatadu oo Suuqa ka qaadan jirtay Shilinka (ay Cashuurta ku bixiyaan) ay ka cabanaysay Qalabkii Alaabta lagu dejinayey oo aan weli Dekedda la keenin.”