Somaliland: Natiijada Kulan Siyaasadeed Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco & Waqooyiga Hargeysa, Nuxurka Codsi Ay Wateen Waftiga Subeer Awal iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Xisbiga KULMIYE

Date:

Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Subeer Awal Oo Dhigooda Bariga Burco Ku Boorriyey Inaanay Xisbi Keli Ah U Xidhnaan 

Siyaasiyiin miisaan culus iyo madaxda dhaqanka beelaha Subeer Awal ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay in kabadan 100-xubnood oo ka soo jeeda beelaha bariga Burco, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo waxgarad.

Martiqaadka oo ka yimi dhinaca beesha Subeer Awal waxay dulucdiisu daaranayd ergo ay ugu yimadeen beesha bariga Burco, iyagoo u cadeeyay in aanay cidna u xidhnayn isla markaana shacbiga degaanadaasi ay codkooda xor u yihiin, una codeeyaan cidii ay u arkaan inay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dan u tahay, isla markaana aanay jirin wax laga faa’iidaayo in laba qabiil iyo hanaan qabyaladaysan lagu saleeyo doorashada, taasna ay ergo iyagu u yihiin una arkeen danta Somaliland inay sidaa ku jirto.
Waxaana madaxdii dhaqanka ee hadhimo sharafeedkaas ka hadlay kamid aha cuqaal tiro badan, ugaasyo iyo Saladiin ka soo jeeda degaanada Saaxiil, Togdheer, Hargaysa iyo Gabilay. Kuwaas oo dhammaantood ugu baaqay waxgaradka beelaha bariga Burco inay fasax u yihiin codkooda, hanaanka dimuquraadiyada Somaliland qaadatayna uu dhigaayo in aan qabyaalad wax lagu dooran, qof kastana u codeeyo cidii uu dan moodo.
Sidoo kale waxa iyaguna madashaas ka hadlay Boqoro, cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada bariga Burco, kuwaas oo ka aqbalay dalabka uga yimi Madaxda Subeer Awal, waxayna uga mahadceliyeen martiqaadka iyo baaqa ay soo gaadhsiyeen ee ah inay fasaxan yihiin, sidoo kale waxay cadeyeen inay wixii qaranka Somaliland ku midoobaayo ay ku codayn doonaan. Kulankaas ayaa ku soo dhammaaday jawi is faham oo dhexmaray labadii dhinac.
Geesta kale dadka siyaasadda faaleeya ayaa kulankan dhexmaray labada dhinac ku macneeyee duufaan siyaasadeed oo saamayn ku yeelan doona xisbiga KULMIYE oo in badan ku doodi jiray in beelaha bariga Burco iyo waqooyiga Hargeysa ay isaga u xidhan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...