Masar: Nin Hooyadii Qudha Uga Jaray Si Uu U Raalli Galiyo Xaaskiisa !

Date:

Dhibaatooyinka kala duwan ee ka dhex dhasha qoysaska ayaa ah kuwa had iyo jeer xambaarsan dhacdooyin iyo arrimo aad u layaab badan, dhacdo aad u argagax badan isl markaana gilgishay qulluubta dad badan ayaa waxay ka dhacday dalkaasi Masar, kadib markii nin hooyadii dhashay qudha ka jaray si uu u raalli galiyo xaaskiisa oo ka cabatay hooyadii, sidaasi awgeedna waxa uu usoo kicitimay halkii ay hooyadii fadhiday waxaanu markiiba ku bilaabay inuu hooyadii gacanta ula tago oo uu si xun uu u garaaco, dabadeedna waxa uu markii uu hooyadii garaacay uu raacay xaaskiisii oo uu ula casho tagay suuqa.

Noloshii Hooyadii waxa sahatay oo ay ku qudh baxday gacanta wiilkii ay dhashay, waxaana magaceeda la odhan jiray Saynab Al-Sayid Maxfuud, da’deeduna waxay ahayd 85jir, hooyadan da’da ahayd ayaa waxay u geeriyootay dhaawacyadii uu wiilkeedu u geysatay dhimashada Saynab ayaa waxa ogaaday dad ay jaar ahaayeen waxa aanay ku dareemeen dhiig ka soo qulqulayay aqalkooda, sidaasi awgeedna dadkii deriska ahaa ayaa waxay garaaceen albaabkii si ay u ogaadaan sababta keentay dhiiga qulqulaya, balse waa laga furi waayay, sidaasi awgeedna waxay jabiyeen albaabkii, intaasi kadibna waxay gudaha u galeen gurigii Saynab oo meyd ah, wiilkii ay dhashay Saynab iyo xaaskiisii oo dammaashaad ugu maqan suuqa ayaa waxa gaadhay warkii, waxaanay isku dayeen inay baxsadaan balse ciidammada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dadka ku dhaqan dalkaasi Masar ayaa dhacdadan aad ugu qaadaa dhigay  baraha bulshada waxa aanay dawladda ka codsadeen in dil lagu xukumo wiilkaasi hooyadii qudha uga jaray si uu u raalli galiyo xaaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...